• Ganjab Cup Oo Guul Ku Dhamaaday

Waxaa magaalda Toronto lagu qabay tartan kubadda cagta ah oo laagu magac daray Omar Ganjab Cup 2014.


Koobkani ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Wagad ee uu Cuma Ganjab ka tirsanaa iyo kooxd Xiddigaha.
Ciyaartooyda labadan kooxood ayaa waxay ka koobnayeen ciyaartooydii hore ee heerka kowaad (Serie A) ee ku nool Toronto.


Daawashada ciyaartani ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyn aad u tiro badan.
Labadan kooxood ayaa garoonka la soo galay ciyaar ay aad ugu maqsudeen dadweynihii usoo daawashada tagay, iyagoo soo xasuustay wagii nabadda iyo garoomadii Banadir iyo Muqdiho Stadium.


Gabagabadii ciyaarta ayaa 3-2 ay guusha ku raacday kooxda xiddigaha. Ciyaarta kadib waxaa halkaasi lagu qabtay xaflad Afur ah. Afurka kadib ayaa Cumar Ganjab uu koobkii halkaasi ku guddoonsiiyay kabtanka kooxda xiddigaha Salaad Shiino oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Dekadaha iyo xulka qaranka kubada cagta Soomaaliyeed.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line