• Garowe oo kaalinta 2aad ku guuleysatay

Tartanki kama danbeesta ahaa Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa ku soo gaba gaboowday, kadib marki isku soo hareen labada magaalo Garoowe Puntland Soomaaliya iyo Qaahira Masar.

Tartanka ayaa ahaa mid aad u adeg labada magaalo si weyna loosoo buuxiyay madaama ay soo kala reebeen magaaloyiin aad u adeeg, ciyaarta ayaa ku bilabaatya dar dar aad u adeeg waxay labada maagaalo soo bandhigeen ciyaar aad ay ugu farxaan dad weynihi ka soo qeeb galay
tartanka ciyaarta, waxeyna ku soo dhamaatay jawi aad u wanasgan ayadoo koobki ay ku guuleesteen magalada Qahira ee Dalka masara kadib markey la yimaadeen Qahira 84, halka Magaalada Garoowe Soomaaliya ay dhaliyeen 74.

Dawadayaal badan oo Soomaaliyeed ayaa madashii ilmo la faristay kadib markii Guush iyo koobkiiba uu dhinac maray Dalka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka xirirka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tartanka mid aad u tariikh u ah, magacii Soomaaliyeed iyo Puntlandna koor u qaadnay, madaama aan finalki la ciyaarnay Dal aad looga danbeeyo kubada koleyga oo dhaqaalo iyo taageerana lala garab
taaganyahay ayuu yiri mudane Bakin.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka sootageen 6 wiil oo aad khatar u ahaa gacan weyna ka geysan lahaa hadey joogi lahaayeen, madaama ay u saamixi weyday dhaqaalaha safarka taasina ay keenaty in si fudud koobka uu u dhaafo dalka Soomaaliya, inkastoo ay dadaal weyn dhalinyaradu muujisay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay dhalinyarada aad u dadaaleen kulamo adegna ay ciyaareen dhawacyo iyo daal farabadan ka muuqday, hase yeeshee waxaan marnaba la iloobi karin guusha taatiikhiga ah ay gaareen ayuu yiri Baki.

Waa wax aan la fileyniin in Soomaaliya ay soo gaarto Final ayadoo ay hareen dalaal waa weyn, wa waana wax lagu faano heerka aan gaarnay mudane dhoor iyo labatan sano kadib dhibco yar lanooga qaaday Koobkii Afrkia ayuu yiri Baki.

Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey ciyaartooyda iyo macalinka dadaalka wanagsan ay gaareen ee guusha weyn u ah umadda Soomaaliya oo tariikhda galay in ciyaartoy matelysa magaalada Garoowe ay noqdaan magaalad ugu wanasgan tartanka inta u socday, yagoo ka badiyay magaalooyin waaween sida Daarasaalam Jubba Bambasa Mbeya CITI ZENS intaas oo magaalo waa guul tariikh ah.

Waxaa xusid mudan in ay hareen dalalkale oo waa weyn, oo ayagana gaari waayay wareega 2aad.

Gaba gabadi ayaa gudoomiyaha u mahad celiyey madaxweynaha Puntland sida wanagsan u dhalinyarada iyo maamulka team Garowe ugu mahad celiyeey guusha ay gareen khadka telphoonka mudo halsac ah, dhamaan ciyaartoyda iyo maamulka la hadlayey si wanagsan.

Sidoo kale maamulka Degmada Garowe iyo Wasirada Puntland dhamaantot xiriro wanagsan ayeey la soo sameeyeen ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Baki ayaa si gaar ah ugu mahad caliye Gudoomiyaha nadiga Comsed Cabdiqani Carabey oo aha halyeeygi qeebta ween ka qaatay tartanka abaabulka iyo inta u socday iyo marki u dhamaaday xirri jogta ah la sameenayay, sidoo kale qeybta ka qaatay xaga warbaahinta iyo tartanka.

Cabdiqani ayaa ahaa shaqsi mar walba u taagan Sports Puntland. gaba gabadi ayaa Gudoomiyahu u mahad caliyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Daarasalam sida wanagsan oo mar walba u taageerayeen.

Baki "waad ku mahad sanyihiin taageeradiin, waxaad natusteen walaalnimo, hadi aan nahay teamki ku ciyaarayay magaca" Garowe Soomaaliya ayuu yiri Mudane Baki"

Gudoomiyaha ayaa maamullka tartanka ku tilmaamay mid wanasgan oo si cadaalad ah ku bilaamay kuna dhaamday, magaalada Garowe ayaa noqotay magaaladi ugu horeeysya oo magaca Soomaaliya wadata soo gaarta final tartanka inter city Game gasheyna kaalinta 2aad.

Gudoomiyaha ayaa gaba gabadi sheegay in sanadka danbe ay ka duwanaandoonto sanadkaan hadii alle idmo, ayagoo keeni doona maagaaloyin horleh oo Puntland.

kala xirri 00255657589831

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line