• Garowe oo dhulka ku jiiday Jubba

Waxaa ka furmay dalka Tanzania gaar ahaana magaalada Dar Es Salaam tartanka kubadda koleyga kaaso oo ay ka qeyb-galayaan magaaloyinka ku yaalla barriga iyo bartamaha Afrika.

Sannadkan waxaa ka qeyb-galaysa tartankan magaalada caasumaa ah ee Garoowe,waxaana lugu dahfuray ciyaartoydi ka socotay magaalada Jubba iyo magaalada Garoowe,waxaana ciyaarta guulweyn oo muhiim ah gaaray dhallinyaradi matalaysa caasumada Puntland.

Furitankii tartankaan waxaa hadalo ka jeediyey xubnihii soo qaban-qaabiyey waxaana ay sheegen inay ku faraxsanyihiin tartanka Inter City basketball inay ka soo qeyb-galaan dhammaanba magaalooyinka ku yaalla dalalka bariga iyo bartamaha Afrika,waxaana ay sheegen ujeedadda ka danbeysa qabashada tartankan inay tahay qorsho lugu doonayo in lugu mataaneyo dhammaanba magaalooyinka bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaarti ugu horreeysay ee tartankan oo shalay dhacday waxaa ay dhexmartay magaalada Garoowe oo matalaysa Puntland iyo magaalada Jubba oo caasumad u ah dalka Koonfurta Suudaan,waxaana ay soo bandhigeen ciyaar ad ay ula dhaceen boqollaal daawadayaal ah oo ka qeyb-galay
furitanka tartanka.

Inta badan waxaa ciyaarta ku gacan sareeyey oo ciyaar lama filaan ah soo bandhigay ciyaartoydi matalaysa magaalada caasumada u ah dowladda Puntalnd ee Garoowe,waxaana la arkayey ciyaartoyda Garoowe oo goolalbadan ka dhalinaya dhiggooda Jubba oo dalka Koonfurta Suudaan ka
socday.

Goolal ay sidii roobkii u dhaliyeen ciyaartoyda magaalada Garoowe ayaasahashey inay gaaran guul muhiim ah,waxaana suragashay inay ciyaartu ku soo dhammaatay 90-gool oo ay dhaliyen ciyaartoyda mataleysay Garoowe halka kooxda kale ee iyadana ka socotay magaalada Jubba ee
caasumada koonfurta Suudaan ay dhaliyeen 69,waxaana ciyaartu ku dhammaatay 90 iyo 69 dhibcood,sidaasna waxaa ku soo gudubtay magaalada Garoowe.

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyed Cabdirishiid Xassan Xirsi(Bakin) oo hoggaaminayey kooxda mataleysay Puntland kuna ciyaaratsay magaca Garoowe ayaa xilligii ay ciyaartu soo dhammaatay waxaa uu saxaafadda u sheegay inay ku faraxsanyihiin guusha ay gaaren
waxuuna u hambalyeey ciyaartoyda iyo tababarahooda oo u ku sheegay inay yihiin(Geesiyaal kor u qaaday magaca Puntland).

Waa guul muhiim ah,waxaan dareemi kara inan la ciyaarnay koox ka socotay caasumaad dal,waxaay isku diyaarinayeen muddo dheer waxaana ka warhayaa inuu dhaqaalo badan ku baxay,taa waxaa u dheer dhirigalinta ay heysten,waxaana muuqtay in ciyaartoydena oo an anagu soo aruurinay inay guushan gaaren,.."'ayuu yiri guddoomiye Bakin.waa mid guul ah
shacabka reer puntladn guul u ah

Bakin waxaa kalo uu ka codsadey shacabka Soomaaliyed gaar ahaana jaaliyadda reer Puntland inay ugu baahanyihiin taageero iyo dhirigalin ay u muujiyan dhallinyarada ku ciyaaraysa magacooda,waxuuna sheegay inay rajeynayan guulo badan ilaa ay tartankan ka qaaday.

Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com

Waa markii ugu horeysay oo ay Garoowe ka qeyb-gashay tartanka Inter City basketball,waxaana guusha ay gaaren soo dhaweeyey shacabka iyo waxgaradka reer Puntland oo dhallinyarada hambalyo u diray.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line