• Gattuso Wuxuu Ku Hadlaa Luqad Isaga U Gaar Ah !

David Beckham oo la qabsan la' noolasha Talyaaniga, ayaa qirtay in barashada luqadda ay aad ugu adkaatay.

Beckham ayaa sheegay in tababare Carlo Ancelotti uu isaga ka sii daran yahay dhanka barashada luqadda, waayo ayuu yiri Ancelotti wuxuu baranayaa luqadda Ingriiska ilaa iyo 6 bilood haddana kuma hadli karo in ka badan 4 erey.

Beckham wuxuu sheegay in inta badan ciyaartooya Milan ay ku hadli karaan Ingriiska gaar ahaan Paulo Maldini. Hase yeshee wuxuu yiri Gattuso ayaa isaga Ingriiska u xoogsada sida uu garoonka markuu ku jiro u xoogo kubadda.

Gattuso wuxuu ku hadlaa Talyaani iyo English leesku daray markaana waxaa ka soo baxa Luqad isaga u gaar ah!!!.

Beckham mar wax laga weydiiyay sababta uu ku jecleestay inuu la sii joogo Milan ayaa ku jawaabay in ciyaartooyda qaar ay iyagu lacag bixin lahayeen si ay ugu ciyaaraan kooxdan.

W/D Mohamed Ali



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;