• HIRDA oo shaacisey kooxaha ka qayb galaya AFT 2014

Ha'yadda HIRDA ayaa xaleyto soo saartey liiska kooxaha ka qayb galaya cayaaraha Futsal-ka Amsterdam Futsal Tournament ( AFT 2014), waxaana ka qayb gali doono sanadkaan 24 kooxood oo Yurub iyo Holland ka kale imaan doono.
Kooxaha Yurub :
Antwerpen (BEL), Husby (Swe) Stocholm (Swe), Zurich ( Che) Kristiansand (NOR), West Agder (NOR), Helsinki (FIN) & Kopenhagen Olympic (DEN).
Kooxaha Holland : Amsterdam, Denhaag, Rotterdam, Eindhoven, Arnhem, Nieuwgein,Denbosch, Venray, Veenandaal, Wageningen, Wessanaar, Hoorn, Alkmaar, Leidchandam, Niuew -Lekkerland, Reeuwijk.

Qorituurka kooxaha koobka AFT 2014 waxaa lagu wadaa in la sameeyo maalinimada Sabtida taariikhduna taheyna 06/12/2014 hadii Eebe idmo.

Waxaa xusid mudan in koobka AFT 2014 sanadkaan loogu dabaaldegaayo sanadguuradii 10-naad ee ka soo wareegatey markii la aasaasey koobkan, iyadoo lagu casumey aqyaar badan oo isugu jirta madax, fanaaniin, dhalinyaro.

Waxaa kale sanadkaan marti noogu ah cayaaraha HIRDA kooxda Xulka Qaranka Futsal-ka wadanka Morooko, kuwaasoo labo ciyaar oo saaxiibtinimo loogu dabaaldegaayo 10 guurada koobka AFT kula dheeli doono ciyaartooy lagu soo xuley tayadooda Futsal-ka.

Waxaa lagu soo bandhigi doonaa ciyaaro kubadda koleyga iyo heeso loogu talagaley munaasabada 10 guurada cayaaraha Futsal-ka Amsterdam Futsal Tournament.
Cayaaraha waxaa la qaban doonaa Sabti iyo Axad 20/21 December 2014, goobta lagu qaban doona waa Sporthalen Zuid Amsterdam, iyadoo si Live ah uga daawan doontaan meel kasta aad dunida ka joogtaan barta Youtube-ka & Facebook ku leedahay Hay'adda HIRDA.
Wixii ku saabsan qori tuurka iyo sida ay kooxaha iskugu soo aadeen kale soco wararkeena dambe hadii Eebe idmo.
W/D : Yusuf Yusuf

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line