• Gabdhaha TGSA & Xiddigaha oo ciyaar saaxiibtinimo yeeshay

Waxaa magaalda Toronto ciyaar saaxiibtinimo ah ku wada ciyaaray kooxda TGSA & Xiddigaha.

Gabdhahan oo ay da'dooda ka yar tahay 12 jir "U12" ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso baddan oo dadkii usoo daawashada tagay ay aad ugu riyaqeen.

Qeybti hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1 iyadoo ay goolka ku hormartay kooxda TGSA.

Qeybti labaad ee ciyaarta ayaa labadan koooxood ay weerarkii ay isku hayeen halkooda kasii waday. Kooxd TGSA inkastoo ay dhowr fursado oo qaali ah ay heleen haddana wey iska wada lumiyeen. Halka Xiddigaha ay fursadeeda ka faa'iideysatay, iyagoo halkaasi ka dhaliyay 2 gool oo kale.

Ciyaartani ayaa waxay ku dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Gabadhaha Xiddigaha.

Kooxda TGSA waxaa tababare u ah Hanan. Kooxda Xiddigahane Safiya iyo Sabrina

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line