|
Dixon FC 3-1 Galmudug Waxaa garoonka weyn ee The Soccer Centre ka furmay tartankii koobka Ramadaanka ee magaalada Toronto. Ciyaartii furitaanka waxaa isaga hor yimid kooxda Dixon FC iyo Galmudug. Labdan kooxood oo ka koobnaa ciyaartooy aad u dhallin yar ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan. Bilowgii ciyaartaba waxaa gool lagaga naxsaday Dixon. Inkastoo ay kooxda Dixon heshay fursado badan hadda wey iska wada lumiyeen. Tababreyaasha kooxda Mr. Maxadi iyo Cabdisamed ayaa isla arkay in kooxdu ay u baahan tahay ciyaartooy waayo arag ah, sidaana waxay garoonka soo geliyeen Cabdixakim Hurre (Cabdixakim Ottawa). Waxaa xusid mudan iyo Cabdixakim Ottawa uu yahay ciyaartooyga keliya ee tartanka Somali Week Toronto ciyaaray ciyaarta finalka 7 jeer isagoo u saftay 7 koox oo kala duwan. Cabdixakim oo kaashanaya waayo aragnimadan dheer ayaa garoonka markuu soo galay isla markiiba wax weyn ka beddelay qaab ciyaareedka kooxda Dixon. In muddo ah kadib kooxda Dixon waxaa u suurtagashay iney dhaliyaan goolkii bar bardhaca 1-1. Sheekada intaa kuma ekaan ee Dixon waxay haddan dhaliyeen laba gool oo kale. Inkastoo ay kooxda Galmudug ay markoodi heleen dhow fursado ay goolal ku dhalin kareen hadda wey iska wada qasaariyeen. Ciyaartan ayaa waxay ku soo gabagabowday 3-1 oo ay guusha ku raacday Dixon FC. Seif FC 0-2 Rochester NY U 18 Ciyaartii labaad ee furtiaanka ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Seif FC iyo Rochester NY U 18. Kooxda Seif ayaa bilowgii ciyaarta seftoodi galka kala baxay iyagoo weerar aan kal go' lahayn ku qaaday goolka Rochester. Nasiib darro kooxda Seif dhamaan fursadihii ay heleen wey wada lumiyeen, iyagoo u muuqday in seftooda aaney af lahayn. Sida caadada ah haddii ay koox fursado badan lumiso iyagaa lugu saxa. Rochester iyaguna markoodi ayay weerar soo qadeen waxaana u suurta gashay iney 2-0 isaga reebaan Cai Bashi iyo kooxdiisa Seif Fc. Totonto Stars 5-2 Rochester NY U 30 Kooxda Rochester ayaa tartankan kaga soo qeybgashay laba kooxood. Rochester NY U 30 iyo Rochester U18. Kol haddii ay Rochester U 18 si xarago leh u badiyeen, Xuseen Diini iyo kooxdiisa Rochester NY U30 waxay rajeynayeen iney iyaguna sidoo kale guul halkaasi kala hooydaan. Rajada Xuseen iyo kooxdiisa waxaa ka biyo diiday Toronto Stars oo ay hoogaaminayeen Da'ud iyo Liban oo Rochester si xarago leh kaga badiyay 5-2. Cabdikariim Dheere oo weerarka ugu ciyaaraayay kooxda Toronto Stars ayaa ahaa xiddiga garoonka, isagoo 3 goolna halkaasi ugu saxiixay kooxdiisa Kooxda Toronto Stars waxay ka mid tahay kooxaha lagaga baqayo iney koobka ku guuleystaan marka loo eego ciyaarta ay soo bandhigeen. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|