• Guidance Of Canadian Somali Youth Org. Oo Lagu Martiqaaday Queen's Park

Laura Albanese, MPP - York South-Weston ayaa martiqaad u fidisay the Guidance of Canadian Somali Youth Organzation.

Martiqaadkan ayaa waxaa ka qeybgalay ciyaartooyda, macallimiinta iyo qaar ka mid ah waalidiinta.

Ulajeedada martiqaadkan ayaa iyadu ahayd in dhallinyaradan ciyaartooyda ah ay soo arkaan xarrunta baarlamanka gobolkan Ontario.” Queen’s park”.
Ugu horeyntii dhallinyarada waxay halkaasi ku cuneen qado sharaf loogu talo galay
Intaa kadib waxay bilabeen iney ku soo dhex wareegaan Queen’s park, iyadoo ay la socdaan gabdho u sharxayay hadba meesha ay marayaan.


Sidoo kale dhallinyaradan waxay dhex tageen xarrunta baarlamka iyadoo ay xildhibaanadu halkaasi ku shirayaan.


Wax xogaa ayay soo dhageysteen wixii halkaasi ka socday iyo sidii ay xildhibaanada hadala u kala helayeen.

Ugu dambeyntii waxay dhowr sawiro la galeen Xildhibaan Laura Albanese, iyagoo halkaasi ugu mahadceliyay fursadan qaaliga ah oo ay siisay.

 W/D Mohamed Busuri

 





 


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line