• HABAR FADHIDO LAGDAN LA FUDUDAA!!!

Xarunta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa seminaar loogu furay tababreyaal tiradooda ay gaareyso 30. Macallimiinta casharka ka bixinaayo ayaa waxaa ka mid ah tababaraha xulka qaranka Cabdi Faarax Geelle, Macalim Cawil, Cabdi kuus iyo Xasan Fareey. Seminarka kadib ayaa Macallim Geelle isagoo ka hadlaya eedeynta loo soo jeediyo xiriirka ayaa wuxuu si weyn u difaacay xiriirka kubadda cagta ee uu madaxda ka yahay Siciid Muganbe isaga sheegay in xiriirka u hayo shaqo culus marka loo eego marxalladda uu waddanka ku sugan yahay. Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee dibadda ku nool ay edeemo u soo jeediyaan xiriirka, iskuna dayaan iney niyad jabiyaan dadka howsha ka wada meesha ay iyagu ka carareen. Tababare Geelle ayaa ugu dambeyntii sheegay in qofka ku sugan waddanka gudahiisa oo keliya uu garan karo dhibaatooyinka hor yaala xiriirka kubadda cagta. Balse qof dibadda joogo wax kasta wey la sahlan yihiin, horaana loo yiri: Habar Fadhido Lagdan La Fududaa!!!.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;