• Horyaalka Xiddigaha Hamilton oo si xiiso leh u socda

Waxa caawa bishu tahay Sunday 12.APR.2015 bilaawday cayaarihii qaboobaha ( winter league soccer ), wuxuna ka bilaawday gym ka Sir john MC Donald ee Hamilton ON waana cayaaro sanad waliba aay qabtaan kooxda Hamilton Star ( Xiddigaha Hamilton) .
Waxaa caawa fooda is daray hadaan soo qaato Junior ka,kuwa da'dooda aay ka hooseeydo U- 13 up to U- 8

JUNIOR
HAMILTON 4-4 MOQDISHO


HORSEED 0-2 JEENYO

SENIOR

WAAAW WAAAAW , Caawo waa leeysku jilbo jabsay cayaaraha seniorka waxay soo bandhigeen cayaar aad iyo aad u wanaagsan oo dadweynihii soo daawsho tagay aay aad u jecleeysteen.
qeybta hore waxaa isku hertiyey labada kooxood ee lagu kal magacaabo MOQDISHO oo uu kabtan ka yahay AYOOW iyo kooxda labaad oo lagu maga caabo HAMILTON oo uu kabtan ka yahay NAATI ,cayaarta qeybteeda hore waxaa ku gacan sareeyey HAMILTON oo daqiiqdihii hore gool kaga naxsaday MOQDISHO, MOQDISHO dadaal badan ay muujisay weey kadaba keentay,
laakin nasiib wanaag waxaa ciida afka loo daray kooxda MUQDISHO oo casho looga dhigay seddex gool , HAMILTON waxa laga dhalieyey laba gool.

waxaba waxbaa ka sii xiiso badnaay waxaa aad loo sugaayey labada kooxood ee HORSEED iyo JEENYO,
Labadaan kooxood waa laba aan la dhayal san karin waxana kala hogaaminaayey oo labadaan kooxood
KABTAN AXMADEEY oo HORSEED watay iyo KABTAN ISMAACIIL oo jeenyo watay,
caawo jilbaha ayaa leeysku laabtay nasiib wanaag HORSEED oo cayaar wanaag iyo tab lagu ogaay waxaa loo dhiibay danbiil goolal ah, JEENYO ayaa waxay tiri soomaali waan kaaga badin jirnay caawana HAMILTON ON barafkeeda ayaan afka idinkaga gureeynaa , runtii cayaartooyda HORSEED iyo taageerayashooda ayagoo ilmeeynayo ayey garoonka isga caraabeen, HORSEED caawa guul daro ayaa looga naxsaday laakiin cayaari waa gelin danbe, faanoole fari kama qodna

SENIOR

MOQDISHO VS HAMILTON
2 GOALS 3 GOALS


HORSEED VS JEENYO

4 GOALS 7 GOALS


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line