• Xasan Iyo Xuseen Oo Final Isugu Soo Haray

     

TODAY Somali Soccer Week Toronto 2012: Ciyaartii labaad ee Semi-Finalka ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Somali United iyo Seif FC.

Bilowgii ciyaartaba labadan kooxood waxay la soo galeen dar dar xoog leh oo koox waliba ay ku dooneysay iney goolka kowaad halkaasi ka dhaliso.

Wixii hadba koox la weerara, ayaa kooxda Somali United u suurta gashay iney goolka ku hormarto. Wax xogaa kadib ayaa haddan Seif loo labeeyay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso Somali United.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Seif dhowr fursado oo qaali ah ayay heleen balse intaba wey iska lumiyeen. Ugu dambeyntii Somali United ayaa goolkeed seddaxaad halkaasi ka dhalisay, ciyaartana 3-0 ayay ku dhamaatay.

Ciyaarta finalk ayaa waxaa wada ciyaari doonaa kooxda Somali United iyo kooxda dhallinta yar ee Hilac FC.

Taageereyaasha labadan kooxood ayaa iyagu wata boorar ay dhinac kaga qortan tahay SOMALI UNITED dhinaca kalen HILAC. Tani waxay ku tuseysaa in labadan kooxood ay yihiin mataano (Xassan iyo Xuseen).

Taageereyaasha labadan kooxood ayaa iyagu sheegaya in ay farxad la hooyan doonaan hadba Somali United iyo Hilac midda ay guusha raacdo.

Daawashada ciyaartan ayaa dadweynihii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa farshaxanka caanka ah ee Amin Amir

Somali Stars Washington DC 2-2 Toronto All Stars

Ciyaarti labaad ee dhallinta cuslaatay, ayaa waxaa isaga hor yimid Somali Stars Washington DC iyo Toronto All Stars.

Labadn kooxood ayaa waxay isla dhaafi wayeen 2-2.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line