|
Ramadan Cup TODAY 2010: kooxda Hilac iyo kooxda Toronto Stars ayaa isaga hor yimid ciyaar aad u xiiso badan. Bilowgii ciyaartaba labadan kooxood weerar iyo weerar celin ayay isku qadeen. Inkastoo labadan kooxooba ay heleen fursado aad u qaali ah haddana midkoodna uma suurtagelin inuu halkaasi wax ka dhaliyo. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0-0 Nashada kadiba ayaa Maxamed Sharif uu gool qurxoon kooxdiisa Hilac u saxiixay. Wax xogaa kadib ayaa haddana Cali Bashi mar labaad shabaqa Toronto Stars ruxay. Gabagabadii ciyaartan ayaa kooxda Hilac ay guusha ku raacday 2-0. Waxaa xusid mudan in goolhayayaasha labadan kooxood ay aad u da'daaleen iyago goolal badan halkaasi ka bad baadiyay. Bashi Cali Bashi oo ahaa garsooraha ciyaartan ayaa muujiyay inuu qibrad weyn u leeyahy dhanka garsoorenimda isagoo si heer sare ah u dhex dhexaadiyay ciyaartan.
W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|