• Hilac Oo Aruursatay Koobabkii Toronto

Kooxda Hilac ayaa wada qaadatay seddaxdii koob ee Afro-Canadian (Play offs). U 10, U12 & U14.

Horyaalkii seddaxaad ee Afro-Canadian ayaa si qurux badan ku dhamaaday maalintii Jimcaha oo ay bishu ahayd August 23.2013.

Ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalkani oo ahayd mid play offs ah, ayaa kooxaha waxay isu arkeen sida tan hoos ku qoran:

Ciyaartooyda ay da'dooda ka yar tahay 10 jir (U10) ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Hilac iyo Semcy. Labadn kooxood ayaa 1-1 isla dhaafi waayey watigii loogu talo galay.

Si labadan kooxood ay midkooda guusha u raacdo ayaa waxaa loo dhigay Rigooreyaal "Penalties". Rigooreyaashan ayaa waxay guusha ku raacday Hilac oo halkaasi ku qaatay koobkii

.

Kooxda Hilac ayaa sidoo kale labadii koob ee kale ku guuleystay iyadoo finalkii U12 ay 2-0 ku martay Dixon. Halka U14 ay 1-0 ku jiiday Semcy.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa halkaasi ereyo koobkan kasoo jeediyay Gudoomiyaha Afro-Canadian Mukhtar Maxamed Axmed "Mukhtar Cuti".

Mukhtar ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay tartankan iyo dadweynihi ka soo qeybgalay.

Ugu dambeyntii seddaxdii kabtan ee Hilac ayaa seddaxdoodi koob la gudoonsiiyay. Sidoo kala kooxda Horseed ayaa iyaduna koobka Adaabta la gudoon siiyay.

Dhanka kale koobka horyaalka oo ah ahaa dhibco tirsi ah ayaa waxaa U14 si qurxoon ugu guuleysatay kooxda Semcy. U10 ayaa iyaduna si heer sare ah ugu guuleysatay kooxda Dixon.

U12 Waxaa isku dhibco noqday kooxda Semcy iyo Hilac, has yeshee Secmy ayaa gool tiris ku qaadtay koobkani

More pics coming soon

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line