• Hilac Oo 2-1 Isaga Reebtay Banadir Una Soo Gudubtay Finalka

 

Somali Soccer Week Toronto 2012. Ciyaartii semi-finalka ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda dhalinta yar ee Hilac Fc iyo Banadir.

Ciyaartan oo ku bilaabantay jawi aad u qurux badan, ayaa wixii weerar iyo weerar celin leesku haayaba waxaa goolka ku hormartay Banadir.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Banadir.

Nasashada kadib ayaa Hilac waxay dhaliyeen goolkii bar bar dhaca. Wax xogaa kadib ayaa haddana waxay heleen Gool ku laad, Gool ku laadkan ayaa waxaa si qurux badan u laaday kubaddana shabaqa ku hubsaday Salman.

Ciyaartan ayaa waxay ku soo gabagabowday 2-1 oo ay guusha ku raacday Hilac.

kooxda Hilac ayaa waxay ciyaarta finalka la ciyaari doontaa Somali United iyo Sefi hadba kii soo badiya.

W/D Mohamed Busuri




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line