• Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam AFT 2013 oo lasoo gaba-gabeeyay

Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands lagu soo gaba gabeeyay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2013, kaasi oo sanadkii 9-ad ka dhacay wadanka Holland, iyadoona sanadkaan lagu xusayay Hogaamiyihii dalka Koonfur Africa ee dhawaan geeriyooday Nelson Mandella, waxaana cayaaraha kasoo qeyb galay Madax kala gedisan oo ka kala socday Dowlada Federalka Soomaaliya, Dowlada Hoose ee wadanka Holland, Qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadaha Soomaalida ee wadamda Yurub, Madax isboorti iyo Cayaartoy horey oo rag iyo dumar isugu jiray.


Mas'uuliyiinta Cayaarahaan kasoo qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Madaxa Isboortiga Dowlada Hoose ee Magaalada Amsterdam Henk Stokhof, Maamulaha Jaaliyada Soomaalida Amsterdam Dr. Cali Cabdi Waare, Guddoomiye Kuxigeenka XSKK, Xaawo Taako, Axmed Muuse oo ka tirsan Mas'uuliyiinta XKK, Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir Yuusuf, Cabdi Goobdoon oo ka tirsan Hormuudka Jaaliyada Soomaalida Switzerland, Garyaqanad Shamso Xasan, Miski Cumar, Shukri Dalbaas, Xaawo Kiin, Axmed Diinaashe, iyo Maxamed Ismaaciil oo dhamaantooda ka mid ahaa Cayaartoy hore ee Soomaaliyeed.

Kooxaha Cayaaraha HIRDA AFT 2013 ku loolamayay ayaa gaarayay 26-kooxood oo wiilal futsel ah, 2-koox oo Wiilal Kubada Koleyga, iyo 3-kooxood oo Gabdho Kubada Koleyga, oo ka kala socday wadamda Britian, Sweden, Norwey, Germany iyo Holland, waxaana kulankii ugu danbeeyay isugu soo haray, Kooxda Den-bosh iyo Kooxda Den-Haag oo labadaba ka socday wadanka Holland, waxaana ugu danbeyn Koobkii sanadka Cayaaraha HIRDA AFT 2013, ku guleestay Kooxda Den-Haag ee wadanka Netherlands.

Munaasabad lagu soo gunaanadayay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2013, isla markaana lagu bixinaya Amaablamriono kala gedisan, ayaa ka dhacday Xarunta Sporthallen Zuid Amsterdam, iyadoona Abaalmarino la-guddoonsiiyay Cayaartoy, Kooxo, iyo Shaqsiyaad isugu jiray Howlwadeeno Isboorti, Wariyeyaal iyo xubno kale.

Waxaana Gaba-gabadii Cayaarayaha HIRDA AFT 2013, ka hadashay Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay sida wanaagsan ee uu usoo idlaaday Cayaaraha HIRDA AFT 2013, waxa ayna u mahadcelisay dhamaan dadkii kasoo qeyb qaatay Habsami u socodka Cayaaraha, kuwaasi oo isugu jray Mas'uuliyiin, Cayaartoy, Howlwadeeno Isboorti, Qeybaha Warbaahinta, Kooxaha kala gedisan ee kasoo qeyb galay HIRDA AFT 2013 iyo dhamaan dadweynihii usoo daawasho tagay.

W/D Salah Dheere
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line