• Filimka todobaadka ee FIFA oo diirada lagu saaray Soomaaliya9

 


Iyadoo xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA uu xooga saarayo horumarinta kubada cagta Soomaaliya ayaa filim documentry ah oo soconaya 4 daqiiqo iyo 44 ilbiriqsi oo lasoo dhigay shabakada FIFA.com maanta oo khamiis ah waxaa FIFA ay u aqoonsatay filimka todobaadka.
Filimkan oo cinwaan looga dhigay doorka kubada cagta ee nabadeynta Soomaaliya soconayana wax ka yar 5 daqiiqadood ayaa sidoo kale lagusoo muujiyay guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya Alle ha unaxariistee Siciid maxamuud Nuur (Mugabe) iyo madax kale oo salaad ku tukanaya xarunta farsamada ee Jabuuti intii uu socday tababarkii FIFA ay u qabatay Soomaaliya sanadkii 2009-kii kana dhacay hotelka Sheraton ee Jabuuti.
Waxaa filimka lagu xusay doorkii guddoomiyihii hore Siciid iyo guddigiisu ay ka qaateen horumarka kubada cagta Soomaaliya iyo dadaalkii guddoomiyahii hore ee ku aadanaa tayeynta xulka qaranka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale filimka lagusoo qaatay koorsadii FIFA ee dhawaan ka dhacday garoonka Stadium Banaadir ee Muqdisho taasoo ahayd tii ugu horeysay ee dalka lagu qabto tan iyo 1986-kii. Koorsadan oo nooceedu ahaa grassroots development ayay ahayd markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay hesho nooceeda oo kale, waxaana FIFA ay koorsadaa ku tilmaantay talaabo taariikhi ah oo xiriirka Soomaaliyeed uu horay u qaaday.

Waxaa kaloo filimka lagu xusay laba cayaartoy oo ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya ee Ocean stars kana cayaara London iyo mustaqbalka doorka ay ku yeelan doonaan xulka qaranka.



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line