• Iftin iyo Hamilton oo usoo gudbay Semi-Final Sosca Somali Week Cup2016

Tartankii Todobaadka Somalida ee Toronto ayaa si xiiso leh uga socda magaalada Toronto. Ciyaartii Quarter Finals oo ay isugu soo hareen 8 kooxood ayaa Shalay waxaa wada ciyaaray kooxda Hamilton iyo Bakaaraha. Ciyaartani ayaa waxay 5-2 ay guusha ku raacday Hamilton una soo gudubtay Semi-Final.

Kulankii labaad ayaa waxaa wada ciyaaray Iftin iyo Banadir, waxayna 1-0 ay guusha ku raacday Iftin sidaana Semi-final ugu soo gudubtay.

Maanta ayaa waxaa wada ciyaari doonaa kooxda New York oo ka socota wadanka USA iyo Gala Canada. Ciyaarta labaad ayaa waxaa foodda is dari doonaa kooxda Kitchener iyo Al-Hilaal. Labdii kooxood ee badisa ayaa Semi-finalka usoo gudbdi doontaa iyagoo wehlin doona Iftin iyo Hamilton.

Ciyaarah Sem-finalka waxaa la ciyaari doonaa maalinta sabtida July 9, 2016

Ciyaarta kama dambeynta Finalka ayaa iyaduna la ciyaari doontaa maalinta Axadda oo ay bishu tahay July 10, 2016. Ciyaartani finalka ayaa waxay ka dhici doontaa garoonka weyn ee centennial park stadium, 156 Centennial Park Rd, Toronto, ON M9C 5N3



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line