• ILAAHAYOW I KICI OO HA I KALA REEBIN !!

Waxaa mar labaad habeenkii bisha Abriil ay ahayd 5ta, 2009 shir isugu yimid cayaartooydii hore ee Kubadda Cagta ee Somaliya ee ku nool magaaladda Toronto ee dalka Canada . Shirkaas oo si fiican loo soo abaabulay ayaa wuxuu ka dhacay makhaayadda Karuur ee saaran waddadda Martin Grove ee ka tirsan Etobicoke , Ontario .

Intii uu shirku socday ayaa waxaa si kadis ah ku soo galay shirka Wasiirka Qurba joogta ee Dawladda Midnimo Qaran ee Somaaliya Jaalle Abdulahi Azhari oo runtii muujiyey taageeradda uu u hayo isku imaanshaha bahda Sport-ga gaar ahaan kuwa Kubadda Cagta ee cuslaatay. Wuxuu ka dalbaday midnimo iyo isku urursanaan wuxuu sidoo kale ka codsaday inay bahda Kubadda Cagtu ay u soo gudbiyaan wixii fariimo ah ee ay doonayaan inuu ka gaarsiiyo dawladda uu wasiirka ka yahay iyo Wasaaradda Sport-gaba. Waxaa loo balamay kulan kan ka balaaran oo si fiican loogu kala warqaato.

Waxaa kaloo shirka sharaf u ahaa inuu ka soo qaybgalo talo iyo tusaalena ka bixiyo ciyaartooygii hore ee Shaacir Sheekhow oo in muddo ah booqosho ku joogay magaaladda Toronto runtiina aad wajigiisa farxad badan ka dareemaysay. Sidoo kale marti sharaftii halkaasi joogay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr.Abdikarim oo isaguna ereyo boogaadin ah halkaasi ka soo jeediyay. Isago si weyn ula dar daarmay bahweynta sportiga.

Waxaa halkaas ka biloowday shirkii ciyaartooydii hore oo lagu lafo guray dhowr qoddob oo ay ka mid ahaayeen:

Sidii loo taageeri lahaa labaddii urur (SOSCA & TODAY) ee ku midoobay inay hal urur (TODAY) ku qabtaan ciyaaraha Somali Week.

  • Sidii Golaha Ciyaartooydii Hore ee Somaliya ee Cuslaatay ee ku nool dalka Canada gaar ahaan magaaladda Toronto loo dhaqan galin lahaa looguna sameyn lahaa nidaam ay ku midaysan yihiin.
  • Sidii xirfadda uu Ilaahay ku manaystay Golahan, ciyaartooyda cuslaatay, ee ay ku soo caana maaleen loogagga faa'iidayn lahaa ubadka iyo bulshadda Somaliyeed ee nool magaaladdan.
  • Siddii loo xiriirin lahaa ciyaartooydii hore ee cuslaatay gudde iyo dibadba.

Gabagabaddii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay toddoba qof oo si qoto dheer uga soo baaraan daga qoddobadda kor ku xusan dibna ugu soo celiya golohan hadduu Eebbe Idmo, waxayna kala yihiin:

  1. Prof. Muse Mohamed Nasir
  2. Macalin Abdulahi Hassan (M. Tuke)
  3. Dr. Abdulahi Hassan Mahdi
  4. Dr. Yusuf Shaqaad
  5. Dr. Omar Dhiblawe (Ganjab)
  6. Eng. Abdisamed Sheik-Qasim
  7. Mr. Libaan Gabeyre

Waxaanan nasiib u helin inay habeenkaas joogaan shirka Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Somaliya Mr. Ahmed Ciid, Garsoorihii hore ee caalamiga ahaa

Mr. Mohamed Farah “Dab-damis”, iyo ciyaartooy kale oo cuslaatay oo aan ka xusi karno Cantar Jeenyo, Cali Gurey iyo Mohamed Hagi Urey.

Haddaba akhristoow waxaa xusid mudan in magaaladda Toronto ay kulansatay tiradda ugu badan ciyaartooyda cuslaatay oo kor u dhaafaya konton. Waxaaba taas u sii dheer in maskaxdii ama aqoonyahanaddii Ciyaartooyda Kubaddii Cagta ee Somaaliya, Maamulkii hore Xiriirka Kubadda Cagta, Garsoorayaashii heer FIFA, Tababarayaashii heer Qaran iyo waliba Wargeysyadda iyo Website-yadda Sport-ga ee ugu afdheer ay dul kulaaxayaan magaaladda Toronto sida aad kor ku aragtidba.

Ugu dambeyntii waxaan ku gubaabinaynaa Golahan inay u istaagaan sidii ay dhibka uga bixin lahaayeen ubadka , waayeelka, hooyooyinka iyo guud ahaanba bulshadda Somaaliyeed ee u soo haajirtay qurbaha iyaga oo isticmaalaya xirfadda uu Ilaahay ku manaystay ee ay jeebka gadaale ku hilmaameen iyaga oo og amase aan ogaynba in caruur badan la laayey, qaar ay jeelalka ku jiraan, kuwo badana ay raadkoodii hayaan.

Weeraha la isku guubaabinayey ayaa waxaa ka mid ahaa :

  • Nin lagu seexdoow ha seexan.
  • Waari meyside war hakaa haro.
  • Anigu waan ku aqaanaa oo kursiga ayaan kaaga kici balse mid aanan ku garaneynin ayaa soo if bixi, soo kori, ee is daba qabo.

Insha Allah maqaalka kan ku xiga waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Liiska Ciyaartooydii Kubadda Cagta ee Cuslaatay ee ku nool dalkan Canada gaar ahaan magaaladda Toronto .

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;