• ILA QOSOL(JOKES) QOSOLKA WAA DAAWADA ISLA HADALKA

SHAMSO SHAAH IGA DHIIB


Magaalada Roma ee waddanka Talyaaniga ayaa waxaa jira misaan markii aad fuusho kuu sheegaya culeeskaadi. Haddaba maalin ayaa waxaa fuushay islaan aad u buuran ee la yiraahdo Shamso Shaah Iga dhiib. Shamso intii ay sugeysay inuu u sheego culeskeedi ayaa miisaankii wuxuu yiri: “Waxaa leydinka codsanayaa inaad hal hal u soo kortaan”!!!!.

******************************************************************************************

QOF DUMAR OO TAAGAN

Cabdi ayaa saaxiibkii ku yiri aniga markaan saaranahay baska oo aan fadhiyo ma jecli inaan arko qof dumar ah oo taagan. Saaxiibkii ayaa yiri haddaba maxaad sameysaa ma kurisga baad uga kacdaa?. Cabdi wuxuu yiri: Maya ee Indhahaan iska qabtaa!!

*************************************************************************************

XASSAN IYO XUSEEN.


Laba wiil oo la kala yiraahdo Xassan iyo Xuseen ayaa maalin waqti dambe imaaday dugsiga. Macallimkii ayaa weydiiyay sababta ay u soo daaheen?. Xassan oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay inuu raadinaayey hal dollar ka lumay. Xuseena marka la weeydiiyay sababta uu isagana u soo daahay. Wuxuu yiri: Aniga waxaan ku dul taagnaa halka dollar uu Xassan raadinaayey.

**************************************************************************************

LABA NIN OO WAALAN


Laba nin oo waalan oo sheekeysannaya ayaa maalin waxay arkayaan diyaarad. Mid ka mid aha labadoodi ayaa wuxuu leeyahay diyaaradan waxaa saaran madaxweynaha. Markaasuu kii kale isagana yiri: Nin yohow maxaad isaga dhigeysaa qof waalan sow ma ogid in haddii Madaxweynaha saarnaan lahaa diyaaradan ay laba mooto oo kuwa askarta ah ay hor socon lahayeen?!!.

*************************************************************************************

ISKA DHAADHICI

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey. Intaa kadib ayaa dhakhtarkii wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi oo keliya ee uusan cudur kale hayn. Dhakhtarkii baa markaasi ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa". Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey. Markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

*************************************************************************************

HAL LUG

Xersi Dhoore ayaa maalin isagoo jooga magaalada Milano ee dalka Talyaaniga wuxuu galay Bar markasuu yiri hal koob oo coffee aha waa immisa? Ninka ka shaqeynaayey Barka ayaa yiri: Haddii aan fadhiga kugu keeno waa 2 Euro. Haddiise aad istaaga ku cabtid waa 1 Euro. Xersi wuxuu yiri: Haddii aan hal lug ku istaagana waa immisa?!!

*************************************************************************************

MACALLINKA ISKA WARAN

Dadka reer waqooyiga ayaa barigii hore waxay aaminsanaayeen,in koonfur la isku sixro. Hadaba laba macallim oo reer waqooyi ah ayaa loo badalay magaalada muqdisho. Labadaas nin waxay ku balameen inay is ilaaliyaan, oo any u sheegin daka degan xamar waxa ay qabtaan.Galabtii danbe,ayaa labadoodii mid ka mid ah sigaar u baahday. Markii u dibadda u soo baxay ayaa dhallinyarada xafadda ku dheheen "MACALLINKA ISKA WARAN". Markaasu intuu orod ugu soo noqday guriga ku yiri saaxibkiisa: " Dee raggani reer konfureedka ah sixirkii laga sheegi jiray waa run. Hadder anigoo sigaar doontay bey dhallinyaro aanan garaney igu dheheen "Macaallinka iska waran". Haddaba sidey ku garteen in aan Macaallin ahay?

*************************************************************************************

CAANAHA LO’DA

Qoos cadaan (White) ah ayaa waxaa u dhashay wiil madow(Black).Ninkii oo arintan la yaaban ayaa wuxuu u tagay hooyadiisa, wuxuuna ku yiri: Hooyo sidaad ogtahay aniga iyo xaaskeeygaba waxaanu nahay cadaan (White) hase yeshee waxaa inoo dhashay wiil madow ah(Black) oo weliba marba marka ka dambeysa madow sii noqonayo.
Haddaba markii aan weeydiiyay xaaskeeyga sababta ay arrintani ku dhacaday waxay ii sheegtay in markii uu inoo dhashay wiilkan ay iyadu awoodi kari weyday in ay siiso caanaheeda. Sidaa daraadeedna ay ka codsatay gabadh madow (Black) ah in ay siiso caanaheeda. Taasi ayaana ugu wacan in wiilkan uu madow noqdo.
Ninkan oo hadalkiisa sii wata ayuu hooyadii ku yiri haddaba hooyo ma laga yabaa in arrintan ay dhici karto?.
Hooyadii ayaa iyaduna ku jawaabtay: Haa arrintan waa wax dhici karo waayo bey tiri hooyadii Aniguba markii aan ku dhalay waxaan ku siiyay caanaha Lo'da. Sidaad aragtana Adigaba marba marka ka dambeeya sid Lo'da ayaad u fikirtaa!!!!


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;