• Madaxda tartanka Caasimadaha oo rajeynaya in Afrika oo dhan ay gaaraan

Iyadoo uu sare usii kacayo xiisaha tartanka sanadlaha ah ee kubada koleyga caasimadaha, ayaa guddiga kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika waxaa uu shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan tartankani in qaarada Afrika oo dhan uu gaaro mustaqbalka dhow, sida lagu xusay war saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha guddiga suuq geynta iyo warfaafinta FIBA Africa Zone 5 Engineer Bana Cali oo ah nin Soomaaliyeed oo xilal kala duwan ka haya kubada koleyga Afrika iyo carabta.

“Inagoo la saan qaadeyna awoodeena dhaqaale ayaan qorsheynay in ugu badnaan 24 magaalo ay ka qeyb galaan tartankan oo sanadkiiba mar aan qabano, laakin mustqabalka dhow waxaan rajeyneynaa in tartanku uu noqdo mid ka balaaran sida hada uu yahay uuna gaaro Afrika oo dhan, hadii ay noo suura gasho in aan helo maal-gelin ku filan”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku yiri guddoomiyaha guddiga suuq geynta iyo warfaafinta FIBA Africa Zone 5 Engineer Bana Cali.



“Muhiimada uu xooga saarayo gudoomiyeheena Mr. Simon Msoffe ayaa ah in la balaariyo tartankan, taasina waxaa ay qeyb ka tahay siyaasada Zone 5 ee ku wajahan horumarinta kubada Koleyga qaarada”ayuu Engineer Bana Ali ku sheegay war saxaafadeedkiisa maanta.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in magaalooyinka ilaa iyo hada cadeeyay inay doonayaan ka qeyb galka tartanka sanadka 2014-ka ay laba jibaar ka badan yihiin magaalooyinkii ka qeyb galay sanadkan sii dhamaanaya ee 2013 kaasoo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

“Sanadkan hada sii dhamaanaya waxaa tartanka ka qeyb galay ilaa iyo 11 magaalo oo ka socday dalalka ku yaala bariga iyo bartamaha Afrika, halka ilaa iyo iminka sanadka soo socda ay isu diiwaan geliyeen ilaa iyo 23 magaalo oo ku kala yaala waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Afrika”ayuu Engineer Bana Cali ku sheegay war saxaafadeedkiisa.

Magaalooyinka ila iyo hada isusoo diiwaan geliyay ka qeyb galka tartankan sanadka 2014-ka ayaa kala ah: Cairo, Addis Ababa, Nairobi, Mombasa, Eldoret, Mogadishu, Galkayo, Hargeisa, Dar Es Salaam, Arusha, Mwanza, Mbeya, Djibouti, Tanga, Harare, Bujumbura, Kigali, Congo Brazzsaville, Kampala, Entebbe, Jinja, Southren Sudan iyo Benntieu oo ka socda dalka cusub ee koofurta Sudan.

Magaalooyinka tartankan u diiwaan gashan sanadka dambe ee ka baxsan gobalka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa kala ah Cairo (Egypt), Harare (Zimbabwe) iyo Congo Brazzavile, waxaana ka qeyb galka magaalooyinkan ee tartanku ay muujineysaa sida tartanka caasimadaha uu ugusii fidayo qaraada AFrika oo dhan.

“Laba magaalo oo kale oo ka mida Soomaaliya oo kala ah Kismaayo iyo Boosaaso ayaa iyaguna soo sheegay inay daneynayaan ka qeyb galka tartankan laakin wali go’aan lagama qaadan waana ka fekereynaa sidii laga yeeli lahaa inagoo hadba ku xisaabtameyna awoodeena dhaqaale maadama 24 magaalo ka badan aan hada loo heyn awood lagu marti geliyo, anigase Bana ahaan arrintaas xooga ayaan saari doonaa intii karaankeyga ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxa suuq geynta iyo warfaafinta ee guddiga kubada Koleyga bariga iyo bartamaha qaarada Afrika Engineer Bana Cali.

“Tartanka kubada koleyga ee magaalooyinka waxaa lasoo bilaabay sanadkii 1998-kii waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu dhiiri geliyo horumarinta kubada koleyga magaalooyinka bariga iyo bartamaha Afrika, laakin hada guddi ahaan waxaan qorsheyneynaa in Afrika oo dhan aan gaarsiino maadaama aan arkeyno in qaarada oo dhan uu tartanku sii xiisa gelinayo”ayuu war saxaafdeedkiisa ku sheegay guddoomiyaha guddiga suuq geynta iyo warfaafinta ee ururka kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika Engineer Bana Cali.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in magaalooytinka tartankan ka qeyb galaya lagu casuumo iyadoo loo marayo xiriirada wadamada xubnaha ka ah ururkan kubada koleyga ee bariga iyo bartamaha Afrika.

“Inagoo xoojineyna wada shaqeynta nagala dhexeysa xiriirada dalalka xubnaha ka ah ururka kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika ayaa magaalooyinka tartankan ka qeyb galaya ay ku yimaadaan xiriirada dalalkooda—waxaan aad u soo dhaweyneynaa wada shaqeynta u dhexeysa guddigeena iyo magaalooyinka tartanka ka qeyb gala”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri Engineer Bana Cali oo madaxa warfaafinta iyo suuq geynta ka ah guddiga maamula tartanka caasimadaha iyo Xiriirka kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika.

Engineer Bana Cali oo lagu tilmaamo xoghayihii ugu fir-fir coonaa ee kubad Koleyga Soomaaliya soo maray 10-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale xubin ka ah guddiga kubada Koleyga Carabta, waxaana tan iyo 2009-kii loo arkaa masuulkani in uu yahay shaqsi ku dadaal farabadan ku bixiyay in Soomaaliya ay dib u hanato kaalinteedii kubada Koleyga Carabaha iyo Afrika oo muddo dheer meesha ka maqneyd

By Shafi’i Mohyaddin Abokar
Email:shaficiislow@yahoo.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line