• Guddomiye Cadani oo ka hadlay ciyaaraha Inter City

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa baaq u diray magaalooyinka Soomaaliyeed ee danaynaya ka qayb galka tartanka magaalooyinka kubada kolayga oo bisha may ka dhici doona magaalada Dar el Salaam ee dalka Tanzania.

Gudoomiye Cadaanin oo shir Jaraa'id ku qabtay Garoonka Wiish ayaa sheegay in xiriirka kubada kolayga Afrika qaybta Shanaad ZONE 5 ayaa XSKK soo gaarsiiyeen xiliga ay furmayaan ciyaaraha InterCity games waxuuan yiri "magaalooyinka Soomaaliyeed oo dhan waxaan ku wargelinaynaa xiriir ahaan magaaladii dananaysa in ay ka qayb gasho tantanka in ay lasoo xiriirto XSKK si aan ugu soo gubbino shuruudaha ka qayb galka tartankaas.

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale sheegay in Xiriirkiisu soo dhawaynayo dhamaan magaalooyinka dalka ee danaynaya in ay ka qaybgalaan tartanka, " in aad tartankaka qayb gashaan ayaa doonaynaa oo aad soo saartaan ciyaartoy dalka iyo dalka anfaca ayuu guddoomiye Cadaani yiri".

"Gobolkasta iyo Magaalo kasta ee soomaaliyeed ee diyaarna u ah ka qayb galka tartanka Magaalooyinka kubadda kolayga ha soo qortaan waqad codsi ah anagana waxaan u raacin doona warqadi loogu ogolaanayay si ay tartanka uga qayb gasho ayuu guddoomiye Cadaani shirkiisa Jaraa'iid ku soo gebagebeeyay.

ciyaaraha Iner city ayaa bilowday 1998 iyadoo xiligaa la oran jiray tartanak caasimadaha oo ay kaliya ka qayb gali jireen caasimadaha balse la balaariyaay, waxaana sanadi hore Soomaaliya uga qayb galay magaalooyinka Garoore iyo Hargeysa, waxaana kama dambaysta tartanka Soo gaartay Garoowe oo fiinaalki ay ka adkaatay Magaaalda qaahira.

Ciyaarahan ayaa bilaaban doona 25 bisha May waxaana las oo gebagebayn doonaa 31 May.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line