• Isku Aadka Champions Leagu Oo La Sameeyay

Waxaa magaalada Nyon goor dhow lagu sameeyay isku aadka wareega 16 ee Champions League.

Ciyaarta Finalka ee Champions Leagu ayaa waxaa lagu qaban doonaa magaalda Milano ee dalka Talyaaniga.

Qori-tuurkii Tartankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Javier Zanetti oo ahaa Kabtankii hore ee Inter Milan.

Real Madrid oo koobkan ku guuleysatay 10-jeer ayaa ku aaday Kooxda Rome ee dalka Talyaaniga. Halka kooxda kale ee Talyaaniga Juventus ay nasiib u yeelatay Bayrn Munich. Tababreyaasha Juve iyo Roma Massimiliano Allegri iyo ‎Rudi García ayaa yiri: "Waa nasiib darro in labadan kooxood ay nogu soo adaan, balse waxaa kasoo xumayd iney Barcelona nagu soo aado".

Barcelona oo aad moodo in kooxaha oo dhan ay ka baqayaan ayaa waxay la ciyaari doontaa Arsenal.

Sidoo kale waxaa xiisa gaar ah yeelan doona ciyaarta dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo PSG oo markii labaad isku aaday wareega 16, sanadkii hore ayaa Chelsea lagu reebay wareegan

Dhamaan 16kii kooxood ee isugu soo haray Champions Leagu ayaa waxay isu arki doonaan sida tan:




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line