• Islii Oo Lagu Qabtay Koobkii Maalinta Shaqaalaha

 

Xaafada Islii ee magaladatan Nairobi garoonka kubada cagta ee thikiya agagaarka pangani ayaa xaflad lagu xusayay maalinta shaqaalaha aduunka ayaa shalay galinkii dambe ay ku qabteen dhalinyaro soomaali ah.
Xafladan ayaa waxaa soo qababnqaabisay Ururka Dhalinyarada Isbadaldoonka Soomaaliyeed ee UDHIS waxaana kasoo qebgalay ma'uuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble iyo xubno kale oo magac kuleh kubada cagta soomaalida.

Ciyaartan oo lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha aduunka oo ay soo qaban qaabiyeen ururka UDHIS ayaa waxaa furitaanka ciyaartaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururkaasi Mahad Muuse Maxamed waxa uuna sheegay sababta ku kaliftay arrintan iney tahay muhiimada ay ka leeyihiin mideynta, isukeenida, wacyigalinta iyo baraarujinta dhalinyarada soomaaliyeed.
“Waxaanu horey u qabanay koob la magac baxay Maalinta Dhalinyarada soomaaliyeed ee 15ka May, sidoo kalana waxaan dhowr jeer qabanay aqoon iswaydaarsiyo kala duduwan sida arimaha bulshada, iney dhalinyaradu aqoonsato doorka ay ku leeyihiin bulshada soomaaliyeed, tahriibka iyo falalka aanan ku wanaagsanayn dhinaca anshaxa.” Gudoomiye Mahad ayaa sidaasi ka sheegay xaflada Maalinta Shaqada Aduunka


Gudoomiyaha ururka UDHIS Mahad Muuse ayaa intaa kadib hadalka ku wareejiyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble si uu u furo xafalada ciyaartuna ay u bilaabato, wasiirka ayaa hadalkiisii bilowgiiba u mahad naqay dhamaan kasoo qeybgalayaashii xaflada gaar ahaan dhalinyaradii iskood isugu xilqaamay arrinta wuxuuna bidhaanshay in ciyaarta ay bilaabmi karto.

Haddaba waxaa halkaasi ka biloowday ciyaartii lagu xusayay maalinta shaqaalaha aduunka ayadoo labada kooxood ee ciyaartaa ku tartamayay ay kala ahaayeen Oxygin Vs Udhis, goal ayaa waxaa ku hormaray kooxda Udhis num 6 free kick ahaa waxaase barbareeyay isla qeybta hore ciyaaryahanka num 9 penalty ahaa qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa ay labada kooxood isla dhaafi waayeen 1-1 markii la isugu soo laabtay qeybtii 2aad weerar iyo weerar celin kadib waxaa goal si wanaagsan ay isugu soo dhiibdhiibeen kooxda O2 shabaqa ku hubsaday num 9 halkaasna waxay ciyaartii kusoo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda O2.


Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa goobta hadal kooban kasoo jeediyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble asagoo amaan iyo bogaadin u jeediyay dhalinyaradii soo qaban qaabisay xaflada lagu xusayay maalinta shaqaalaha aduunka.
“Ugu horeyn waxaan hambalyo leeyahay kooxda ku guulaysatay koobka ee Oxygin(O2) Stars iyo kooxda laga guulaystayba ee Udhis, sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ururka soo qaban qaabiyey hawshan ee ah Ururka Dhalinyarada Isbadeldoonka Soomaaliyeed (UDHIS), waxaad qabateen howl muhiin ah oo ku dayasho muda. Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaaliya Saleebaan Colaad Rooble
Xafladaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay rag magac ku leh Isboortiga Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Muxyadiin Cambar Khamiis oo ahaa xidigii naadiga waxool iyo xulka soomaaliya.

Mr. Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (C/f Cagayare)
+2525 (0) 986554
+254 (0) 722474596
Cagayare17@hotmail.com



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line