• Kooxda Dixon FC Oo U Mahadcelinaysa Istar Coffe

Waxaaa maqaayadda Istar qado sharaf loogu qabtay kooxda Dixon Fc.

Qadadan ayaa waxaa ka soo qeybglay madaxda, tababaraha iyo ciyaartooyda kooxdan. Sidoo kale waxaa iyaguna lagu marti qaaday Macallim Tuke iyo Maxamed Busuri.

Qadadan kadib ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi aayado quraan ah ka aqriyay mid ka mid ah ciyaartooyda kooxda. Intaa kadib waxaa hadalka qaatay tababaraha kooxda Cabdisamad Sh.Qasim. Cabdisamad ayaa sheegay in ulajeedada ay halkani isugu yimadeen ay tahay iney u mahdceliyaan Mrs. Istar oo ah milkiilaha Istar Coffe.

Istar ayaa iyadu goor kasta kooxdan la garab taagan hiil iyo hooba, iyadoo kooxda u iibisay dharka ay ku ciyaraan islamarkaana ay ka bixisay lacagtii ay kaga qeybgaleen ciyaaraha todobaadka Soomaalida ee la soo dhaafay.

Ugu dambeyntii kabtanka kooxda Dixon FC ayaa Istar guddoonsiiyay koobkii kaalinta labaad ee ay kooxd ku guuleysatay tartankii Ramadan Cup 2009. Sidoo kale waxaa Istar la guddoonsiiyay sawirka kooxda.

Istar oo iyaduna laba erey halkaasi ka soo jeedisay ayaa sheegtay in dhamaan ciyaartooydan da'da yar ay u aragto iney yihiin caruurteeda oo kale, sida daraadeedna ay goor kasta diyaar u tahay iney gacan qabato. Istar oo kaftameysa ayaa hadalkeeda ku soo gabagabeysay in hadda kadib ay ciyaartooydan ugu yeraan MAMA ISTAR kol haddii ay ku da' yihiin wiilkeeda oo isaguna ka mid ah ciyaartooyda kooxdan.







Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line