|
Warbixintaan waxaa kusoo qaadanaynaa xidigaha aan u dhalanin wadanka Talyaaniga ee u cayaaray xulka qaranka Talyaaniga iyadoo xidigaha qaarkood ay u cayaareen dalalka ay u dhasheen iyo dalka Talyaaniga maadaama xiligii hore uusan jirin sharci diidaya in xidig u cayaaray dal uu dal kale u cayaaro halka kuwo kalena ay yihiin kuwo u cayaaray talyaaniga oo kaliya sida Camoranessi. 1. Omar Sivori. Omar Sivori wuxuu u dhashay wadanka Argentina laakin wuxuu u cayaaray xulka qaranka Talyaaniga isagoo kulankiisa ugu horeeyay u cayaaray April 1961-dii wuxuu u saftay 9 kulan Talyaaniga isagoo u cayaaray koobkii aduunka 1962-dii. Sidoo kale Omar Sivori wuxuu kamid yahay xidigihii ugu wanaagsana kooxda Juventus isagoo farsamadiisa wanaagsnayd ugu faa’iideeyay kooxda Juventus inay ku guulaysato saddex horyaalka Talyaaniga ah wuxuuna u dhaliyay 167gool 253 kulan oo uu u cayaaray. 2. Giovanni Moscardini Xidigaan Johnny’ Moscardini wuxuu u dhashay wadanka wadanka Scotland wixii u saftay wadanka Talyaaniga 9 kulan isagoo u dhaliyay 7 gool oo lama ilaabaan ah wuxuuna noqday xidiga kaliya ee kasoo jeeday wadanka Scotland ee u cayaaray talyaaniga. Johnny’ Moscardini wuxuu dib ugu soo laabtay Talyaaniga dagaalkii 1-aad ee adduunka wuxuna weerarka ugu cayaari jiray naadiga xilligaa cayaari jirtay horyaalka heerka 1-aad ee Talyaaniga oo lagu magacaabayay Lucca 1919-kii. Weeraryaahn Johnny’ Moscardini wuxuu u cayaaray labo sanno isagoo kadib ku biiray naadiyada Pisa uguna sii gudbay Genoa. 3. Miguel Montuori Xidigaan Miguel Montuori wuxuu u dhashay dalka Argnentina laakin wuxuu u cayaaray dalalka Chile iyo Talyaaniga wuxuuna noqday xidiga kaliya ee aan u dhalanin Talyaaniga oo noqda kabtanka Azzura. Miguel Montuori wuxuu ahaa xidig hab ciyaareedkiisa uu wanaagsanaa wuxuuna ahaa mid kamid ah xidigihii ugu wnaagsanaa ee nambarka 10-aad u qaatay kooxda Fiorantina. Miguel Montuori wuxuu u cayaaray wadanka Talyaaniga 12 kulan isagoo u cayaarayay Fiorantino intii u dhaxaysay 1955 ilaa1961-dii. 4. Enrique Guaita Enrique Guaita wuxuu u dhashay wadanka Argentina laakin wuxuu kamid yahay cayaaryahanada aan u dhalanin talyaaniga laakin u cayaaray xulka qaranka Italy. Il Corsaro Nero’ waa nanaysta loogu yeeri jiray Enrique Guaita wuxuu u cayaari jiray Kooxda Roma sanadihi 1933 ila 1935 isagoo u dhaliyay 29 gol 28 kulan oo uu u cayaaray sanadkiisa ugu horeeyay Roma. Enrique Guaita wuxuu u saftay Talyaaniga 10 kulan wuxuu u dhaliyay shan gool isagoo goolkiisa ugu muhiim sanaa u dhaliyay kulan seme finale ah oo 1-0 ay kaga badiyeen Austria koobkii adduunka 1934. 5. Attila Sallustro Midkaana waa Attila Sallustro waxaa uu isna kamid yahay xidigii u cayaaray Talyaaniga wuxuu u dhashay dalka Paraguay. Attila Sallustro waa xidig aysan marnaba ilaabi doonin tageerayasha iyo dadka reer Napoli waxayna qaarkood ku sikteen inay caabudaan xidigaas sida ay ula dhaceen hab ciyaareedkisa wanaagsanaa wuxuna u cayaaray intii u dhaxaysay 1926 ilaa 1937-dii isagoo u dhaliyay 107 gool. Attila Sallustro Xulka qaranka Talyaaniga wuxuu u saftay labo kulan oo kaliya laakin booskiisa waxa kusoo baxay oo Talyaaniga ay ka doorbideen laacibkii hore ee inter looguna magac daray garoonka San Siro ee Giuseppe Meazza kaasi oo haddii uu soo bixi lahayn xidigaan uu u safan lahaa kulamo badan Talyaaniga. Xidigaan waxaa intaa u sii dheer wuxuu ahaa aktar filamada isagoo lahaa qaab Atoore isla markaana ay u fududeysay taasi. 6. Mauro Camoranesi Waa taqaanaan cayaaryahankan waa Mauro Camoranesi wuxuu u cayaaraa kooxda Juventus wuxuuna u dhashay wadanka Argentina laakin dhalashada Talyaaniga ayuu qaatay bishii February 2003-dii waxana markiisa ugu horeeyay u magacaabay xulka qaranka Talyaaniga tababaraha ugu guulaha badan tababarayaasha Talyaaniga Giovanni Trapattoni.isagooo kamid ahaa xulkii Talyaaniga ee koobka adduunka qaaday 2006. Kadib markii lagu aaminay hab cayaareed wanaagsan oo uu kasoo bandhigay horyaalka Talyaaniga ayaa waxay u suura galisay in looga yeero xulka qaranka Talyaaniga. 7-. Luis Monti Xidigaan Luis Monti wuxuu kamid ahaa ilaa saddex cayaaryahan oo aan u dhalanin wadanka Talyaaniga kuwaas oo kamid ahaa xulka talyaaniga ee qaaday koobkii adduunka 1934-tii. Luis Monti dhalashadiisa waa Argentina laakin wuxuu u saftay 18 kulan wadanka Talyaaniga isagoo hal gool u dhaliyay wuxuu ahaa mid Qatar ah,qadka dhexe leh daafac wanaagsan isagoo u cayaari jiray si cajaa’ib leh wuxuuna lahaa gadaf ama lugahiisa ay ahaayeen kuwo godan. 8. Juan Schiaffino Xidigan Juan Schiaffino wuxuu u dhashay wadanka Uruguay isagoo kamid ahaa xulkii Uruguay ee qaaday koobka aduunka 1950-kii isagoo 48 kulan u cayaaray dalkiisa Uruguay laakin wuxuu ku biiray kooxda Ac Milan iyadoo kusoo iibsatay 72 kun oo gini sanadkii 1954-tii shan bilood kadibna December 1954 wuxuu u cayaaray xulka Azzura ee Talyaaniga wuxuuna u cayaaray kaliya Talyaniga afar kulan. Juan Schiaffino wuxuu ahaa xidig run ah kaasi oo ahaa mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsana xiligaas talyaaniga. 9. Raimondo Orsi Cayaaryahankan Raimondo Orsi wuxuu u dhashay Argentina isagoo u soo guuray wadanka Talyaaniga 1929-kii wuxuna ku biiray Juventus, isagoo kulankiisa ugu horeeyay ee uu u saftay xulka Talyaaniga u dhaliyay labo gool kulan Talyaaniga uu ugu badiyay Portugal 6-1. Raimondo Orsi ayaa u saftay guud ahaan xulka Talyaaniga 35 kulan isagoo u dhaliyay 13 gool oo wanaagsan isagoo kamid ahaa xidigihii ka caawisay Talyaaniga inuu qaado koobka adduunka 1938-dii. 10. Jose Altafini Jose Altafini wuxuu u dhashay wadanka Talyaaniga isagoo aha weeraryahan wanaagsan kadib koobka aduunka oo uu u cayaaray Braziil 1958-dii kuna guulaysteen ayuu ku biiray kooxda Ac Milan wuxuna u hogaamiyay labo horyaalka Talyaaniga ah isagoo lagu xusuusto labo gool uu Finalka koobka horyaalada Yurub 1963-dii uu u dhaliyay Ac Milan ay markii ugu horeysay ku noqotay horyaalka Yurub. Kadib Jose Altafini wuxuu u cayaaray xulka Talyaaniga isagoo lix kulan u cayaaray wuxuna u dhaliyay shan gool oo la yaab ah. W D Axmed Mooge
|
|