| 
Xubinteena maanta
ee Xiddigaha waxaan idiinkugu haynaa taariikhda Goolheeyihii caanka ahaa
Maxamed Cabdi Cumar oo bulshada isboortiga ay u yaqaaneen "JAAHUUR",
kana tirsanaa ciyaaryahannadii kubbadda cagta ee naadiga Horseed iyo xulka
qarankaba.
Jaahuur waxaa
uu ku dhashay magaalada Harar ee kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaalida,
waxaana la dhalatay 14 Caruur(Maasha Allah).
Waxbarashadiisa wuxuu ku dhamaystey Magaalada Hargeysa.
Jaahuur haatan
wuxuu uu ku nool yahay gobolka Ontario (Ottawa-Canada) wuxuu leeyahay
xaas "Layla" iyo saddex caruur laba wiil iyo gabar "Alamagan,Jamaal,Amaal"
.
Haddaba waxaa
ii suuro-gashay inaan Jaahuur ka warraysto taariikh nololeedkiisa Isboorti,waxaana
uu u dhacay sidan:
Xiddigaha:
Marka hore wax ma iiga sheegi kartaa qofka kuu bixiyey "Jaahuur"
iyo sababta?
Jaahuur: Waxaa ii bixiyey wiil aan saaxiib ahayn sababta
uu iigu bixiyey waxay ahayd anaga oo caruur badan ah oo galab kubad cayaarayna
ayuu intuu qayliyey igu yiri jaahuurow kubada ii soo baas ama ii soo dhiib,markii
aan weydiiyey jaahuur waxay tahay wuxuu iigu
jawaabay intuu qoslay qofkii aan ku aqoon wuxuu kuu maleynayaa inuu wajigaagu
had iyo goor ay cadho(Xanaaq) ka muuqato. Markaa
waxaa dhacday galbihii kale marka aanu kubadda cayaaraynu inuu qof kastaa
yiraahdo Jaahuurow kubadda soo baas sidii buuna iigu baxay magacaasi.
Xiddigaha:
Gormaad biloowday ciyaarha? Yaase kugu dhiirigeliyey?
Jaahuur: Waxaan bilaabay anigoo caruur ah oo jira 10
sanno iguna dhalatay inaan wakhtigaa bilaabo noqdana goolhaye.Markii aan
wax badan dhagaysan jirey marnaamijka ciyaaraha ee ka baxi jiray raadiyo
Muqdisho oo badanaama ka maqli jiray goolyahankii caanka ahaa ee Jaylaani
khaliif, waxaana iigu dhiiriya galiyey tababarihii caanka ahaa ee Cumar
Canjeesto mar uu yimid magaalada Hargeysa isaga oo wakhtigaa watay xulka
qaranka Soomaaliyeed kuna xarasnaayeen Dugsiga sare ee 1da luuliyo iyaga
wakhtigaa isu diyaarinayey ciyaaro dibadda ah. Waxaa dhacday marka garoonka
kubadda cagta ee magaalada Hargeysa iyagoo tababar ku qadanaya ayaa anagoo
caruur ah agtooda kubad ku cayaarayna ayuu Canjeesto arkay anoo si fiican
goosha u haya,wuu ii yimid wuxuu igu yiri caruur ayaad tahay qaabkii goolhayinimadana
waad leedahay haddii aadan ka caajisin heer qaran ayaad ka gaadhi doontaa.
Xiddigaha:
Heer noocee ah ayaad ku billowday ciyaaraha?
Jaahuur: Sannadkii 1975 ayaan imid Magaalo madaxda gobolka
jubbada hoose ee Kismaayo anoo booqosho ugu imid qaar ka mid ah faamilkayga,waxaana
arkay magaalo runtii isboortiga aad looga jecelyahay,waxaana wakhtigaa
ka dhisnaa shan naadi oo kala ahaa Warshadda Hilbka, Dowladdahoose, Badda,
Fiat, Wakaaldda Muuska Umadda ayagoo wakhtigaa u tartami jirey koobabka
Horyaalka iyo Generaal Daa'uud. Nasiib wanaag galab ayaan tababar la qaatay
kooxda wakaaladda muuska,tababarihii kooxda Qariidi ayaa iigu dhiirigaliyey
inaan kooxdiisa ka mid noqdo,waana ka aqbalay. Muddo sannad ah markii
aan u ciyaaray aayan aakhirkii ku soo wareegay kooxda naadiga kubadda
cagta ee warshadda hilibka una ciyaarayey muddo afar sannadood ah kuna
guulaystay laba horyaal iyo hal Generaal daa'uud. Aakharkiina waxaan noqday
goolhayihii xulka gobolka jubbada hoose ee ka qaybgalay ciyaarihii gobalda
1979 iyo 1980. Hadaba waxaan jeclahay inaan halkan ka xuso ciyaaryahanadii
aanu sida fiican u soo wada cayaarnay oo iskugu jira kuwii nadigayga iyo
xulka gobolka,waxaana ka mid ahaa ugu horentii Tababarahaygii naadigaygii
iyo xulkaba Qariidi, Saanjo, abroos, Big, Saciid galti, Abshir xareed,
Cumar Gedo, Daahir Sabto, Khaliif Daa'uud, Cali Cubayd, Yabow, Ahmedei,Diini
Mahaada Diini, Kuduungo, Makh Makh, Barkaan. Runtii gobolka jubbada taariikhdaydu
ma ilaabayso waayo wuxuu ii sahlay inaan ka mid noqdo heerka kowaad iyo
qarankaba,waanu ku mahadsanyahay.
Xiddigaha:
Gorma ayaad ku biirtay ciyaaraha heerka 1aad(SerieA) iyo xulka Qaranka?
Jaahuur: Waxaan ku biiray naadiga kubadda cagta horseed
1980 Qarankana 1985.
Xiddigaha:
Ma xusuusan kartaa guuldarradii Kuugu xumayd ee ku soo marta intii aad
ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba?
Jaahuur: Haa waan xasuusta cayaartii iigu fool xumayd
ee i soo marta, waxay ahayd ciyaar aanu la ciyaarnay koox ka socotay Tuuniisiya
ciyaartaas oo ka mid ahay koobka koobabka Afrika, kana dhacday Muqdisho
istaadiyam waxaana nalooga badiyay 2-0 waxaana labada gool iga dhaliyay
difaacaygii. Markaa joornalkii subaxnimadii soo baxay waxaa Bogga hore
ku qornaa JAAHUUR waxaa weerarkii tuuniisiya uga darnaa difaac weerarkii
Horseed.
Xiddigaha:
Farxaddii kuugu waynayd maxay ahayd intaad ku dhex jirtay ciyaaraha kubbadda
cagta?
Jaahuur: Ciyaartii iigu farxadda badnay waxay ahayd,
iyaduna ka mid ahayd koobka koobabka Afrika,waxaanu magaalo madaxda Suudaan
ee Khartuum kula ciyaarnay koox la oran jirey Al-Muwalda ciyaartaas oo
runttii dhibaato weyni iiga soo gaadhay ciyaaryahankii uga ciyaarayay
No-9aad oo habeenkaas runtii wajigayga candhuuf ka buuxiyay ujeedadiisuna
waxay ahay inuu iga careysiiyo si nalaga badayo,lakiin dhibkaas oo dhan
waxaa i ilowsiiyey markii aanu uga badinay 1-0.
Xiddigaha:
Immisa waddan ayaad ku soo ciyaartay?
Jaahuur: Ciyaarihii aan wadamada dibadda ku soo ciyaaray
waxay kala ahaayeen Ugaanda, Malaawi, Kenya, Jabuuti, Suudaan, Tuuniisiya,
iyo Masar.
Xiddigaha:
Marka aad dib u fiiriso ciyaarihii kubbadda cagta ee Soomaaliya iyo ciyaaraha
aad haatan qurbaha ku aragtay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya?
Jaahuur: Runtii Busuri farqiga kaliya ee u dhaxeeya ciyaaryahanadeenii
iyo kuwa maanta aan daawanaynu waxay tahay xagga dhaqaalaha,waayo ciyaaryahnku
marka ay wax kasta u dhanyihiin niyadda ayaa u dismaysa,waayo waxaad xasuusataa
ciyaartooy badan oo ina soo martay oo tiknikadoodu aad u heer sareysay
ayaa daryeel xumo ciyaaraha uga tagey qaar ka fadhiistay qaarna jilbuhu
ka halabeen oo aan la dawey Markaa waxay inooga fiicanyihiin xagga dhaqaalha
laakiin xagga tiknikada inoogama fiicna.
Xiddigaha:
Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay
kooxdaada iyo Qaranka?
Jaahuur: Ciyaaryahanadii aan ugu jeclaa inay garabkayga
buuxiyaan iyagoo isugu jira naadigaygii Horseed iyo qarankaba waxay kala
ahaayeen Shaash, Saciid Cayrow, Aweys Fuundi, Xarbi, Sharkey, Abdiladiif,
Senigaal, Canbar iyo Aways Kismaayo
Xiddigaha:
Ma jireen Guulo Gaar ahaaneed oo aad ciyaaraha ka gaartay?
Jaahuur: Way jiraan guulo badan oo aan ka gaaray xagga
cayaaraha intii aan u ciyaarayey gobolka jubbada hoose, naadigii kubadda
cagta ee warshadda hilibka Kismaayo, naadigii kooxda kubadda cagta ee
Horseed iyo Qarankaba iyagoo iskugu jira horyaalo Genaraal Da'uudyo iyo
koobab munaasabado ah.
Xiddigaha:
Kol haddii aad aheyd goolheeye ma jiraan weeraryahan aad si gaar ah ugu
baqi jirtay?
Jaahuur: Runtii Busuri way jireen ciyaaryahano weerarkoodu
aad u kululaa, laakiin
ciaaryahaka kaliya ee aan dhibsan jirey wuxuu ahaa Shiikhaalow oodan runtii
kala garanayn marka uu kubadda laadayo iyo marka kale.
Xiddigaha:
Ma jiraan koox Ajnabi ah ee aad hadder taageere u tahay?
Jaahuur: Kooxda ajanabiga ah ee waligay la jirey haddana
la jiro haddii ay badisaba iyo haddii laga badiyaba waa kooxda talyaaniga
ah ee Roma,waxaana kooxdaa taageero u noqday wakhtigii uu u ciyaari jirey
ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer barazil Falcao.
Xiddigaha:
Ma jiraan Goolheey aad jecleyd in aad ku dayato?
Jaahuur: Haa goolyahanka aan jeclaa inaan ku daydo wuxuu
ahaa Goolyahakii caanka ahaa Horseed iyo qarankaba waa Jeylaani Khaliif
aakhirkiin ii noqday Tababare markii aan ku soo biirey naadiga kubadda
cagta ee Horseed,waxaan kaloo jeclaa inaan ku daydo Goolhayihii aduunka
ee caanka ahaa ee Dino Zof.
Xiddigaha:
Hadder weli Ma ku dhex jirtaa ciyaaraha?
Jaahuur: Runtii busuri iminka cayaarihii waan duu-duubay,
waxaana la cayaaraa hadda labadayda wiil Alamagan iyo Jamaal. Alamagana
wuxuu doonayaa inuu khadka dhexe ka cayaaro Jamaalna inuu noqdo Goolhaye.
Markii aan weydiiyey waxa ku kalifay inuu noqdo goolhaye wuxuu iigu jawaabay,waxaan
doonayaa inaan taariikhdadii goolhayinimada sameeyo. Runtii labadooduna
mustaqbal fiican ayey ku leeyihiin waa haddii ay dadaalaan anna waan caawinayaa.
Xiddigaha:
Ugu dambeyntii yaad u Mahadcelineysaa?
Jaahuur: Waxaan marka hore u mahacelinayaa ILAAHAY marlbaad
Gobolka Jubbada hoose siiba magaaladaydii Kismaayo oo runtii ii horseeday
inaan ciyaarha heer qaran ka gaadho iyo bahweyntii ciyaaraha jeclayd,taageerayaashaydii
siiba abwaan Mohamood Cabdullahi Sangub iyo tababarayaashaydii ii soo
maray oo kala ahaayeen Qariidi,Cumar Canjessto, Mareela(Brazil) Ibraahiim-Ibraahiim
Al-sanaari(Masar) Abdi Kuus,Garaar.iyo Jaylaani Kaliif,waxaana jaclahay
inaan halkan ka salaamo ciyaartooydii Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan
siiba Goolhayaashii aan ku soo gaadhay Horseed, Jaylaani Khalii,Cabulqaadir
Ciise Biyooley iyo saxiibkaygii khaaska ahaa ee Xassan Xamaama Xuseen.
Xiddigaha:
MAHADSANID
Jaahuur: adaa mudan Busuri.
W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
|