• Horyaalka K/ Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee JIdda oo furmaya

     

Maamulka Kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah ee dalka
Boqortooyada Sacuudiga ayaaa shaaca ka qaaday in dhawaan u magaaladdaasi ka qabsoomi
doono tartanka horyaalka Jaaliyada oo sanad kasta la qabto.

War saxafadeed uu soo saaray guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee magaalda Jiddah
Mudane Maxamed Aweys ayuu ku sheegay in qaban qaabada tartanka tartanka horyaalka
kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ay haatan si wanagaasan uga socoto xafiiska
maamulka kubada cagta jaaliyada ee magaalada Jeddah.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tartankan ay a ka qeyb geli doonaan dhamaan kooxaha
ka dhisan gudaha iyo daafaha Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga,
iyadoo qori turkuna uu dhici doono maalinta Khamiista Habeenka Jimacaha soo Galeyso
taariikhduna ay tahay 02/02/2012 saacadda 08:30pm.

Guddoomiye Maxamed Aweys wuxuu war saxaafadedkiisa maanta ku sheegay in tartankani
uu si weyn uga duwanaan doono tartamadii hore loo qaban jiray marka loo eego sida
weyn ee qaban qaabadu u socoto iyo diyaar garowga xoogan ee kooxuhu ugu jiraan ka
qeyb galka tartanka.

Jadwalka tartanka iyo taariikhda uu furmi doono dhawaan ayaa sida ugu dhaqsiyaha
badan loogusoo bandhigi doonaa saxaafada waxaana arrinkaas ku howlan xafiiska
warfaafinta maamulka kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah.

By Shaafici Muxyadiin Abuukar (ISLOW)
Email:shaficiislow@yahoo.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line