Home|


TAARIIKHDA KOOXDA JEENYO(LLPP)
<
Markii aad maqasho magaca kooxda Jeenyo, waxaad markiiba soo xusuusaneysaa waagii nabadda iyo garoomadii Stadium Muqdisho iyo Stadium CONS.
Kooxda Jeenyo waxay ka mid tahay kooxihii ugu faca iyo magaca dheeraa waddanka Soomaaliya.
Kooxdan waxay lahayd taageereyaal aad u tiro badan. Taageereyaasha kooxdan ayaa xitaa waxay ka imaan jireen gobolada qaarkood si ay u daawadaan kooxdooda, gaar ahaan markii ay la ciyaarayaan kooxda horseed oo iyagu isku ahaa sida kooxaha Milan iyo Inter ama Roma iyo Lazio oo marka ay wada ciyaarayaan garoonka ay taageereyaasha labadan kooxood ay soo buuxin jireen.
Runtii aad ayay u adag tahay in la soo koobo taariikhda kooxdan. Haddana waxaan isku dayi doonaa in aan u soo koobno sidan:

ASS-AASKII KOOXDA
Sannadku markuu ahaa 1948 ayaa Sarkaal Ingriis ahaa, aas-aasay kooxda kubadda cagta ee PWD(Public Works Dept), oo markii dambe loo bixiyey Jeenyo (LLPP).Kooxdani waxey ka koobneeyd dhowr wasaaradood oo isu tagay. Nin la oran jiray Tifow oo waqtigaasi ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud isla markaana ahaa cayaartooy, ayaa isku keenay cayaartooydii lagu aas’aasay kooxda kuwaasi oo ay ka mid ahayeen: Tifow, Maxamed X.Santone, Faarah Xersi, Ina Carte, Cabdi Negey, Cali Dahir, Majabe iyo kuwo kale oo aan halkani lagu soo koobi kareyn.
Intii u dhaxeeysay 1952 ilaa iyo 1962 waxaa kooxda ku soo biiray dhowr cayaartooy oo caan ahaa, una surta geliyey kooxda in ay soo hooyso guulo fara badan. Cayaartooydaasi waxaanu ka xusi karnaa: Tuke, Cumar Canjeste, Ahmed Negro, Cali Ganey, Witig, Sheegow, , Cabdalla Nuunow, Adan Warsame, Budiste, Jarmal, Ator, Qaasimow, Khamiis, Jamac Gaas iyo kuwo kale.
Magacyadii loogu yeeri jiray kooxdan waxaa ka mid ah GAAL JEBSHE. Sabata magacan loogu bixiyayna waxay tahay, iyadoo inta badan ay ahayd kooxda keliya ee awoodi jirtay in ay ka badiso ama barbardhac la noqoto kooxihii dibadda ka imaan jiray.
Marmarka qaar xitaa kooxdan Jeenyo waxay ka badin jirtay koox markii hore ka soo badisay xulka qarka kubadda cagta Soomaaliyed.
Kooxda Jeenyo waxay soo saartay cayaartooy magac weyn ku lahaa ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Soomaaliya. Cayaartooydan oo aad u tiro badan haddana waxaan ka xusi karnaa:
Sacad, A/rashiid, Xeyr, Basi, Shariif Xamsa, Taagane, Sucud, Qalocow, Bikey, Muxudiin darbo weyne, Shaqaaq, Maxamed Xaaji,
Ayub, Akokow, Oyaye, Cantar Jeenyo, Bashiir Jeenyo, Maxamuud, Shariif Kaneeco, Fuad, A/Shakuur, Budiste,Trumbo, Guutale iyo kuwo kale oo aan la soo koobi kareyn

GUULASHII AY SOO HOOYSAY
Kooxda kubadda Cagta ee Jeenyo waxay ka mid ahayd kooxhii ugu awooda badna ee dalkeena. Marka laga hadlayo horyaalka Soomaaliya waxaa markiiba les weeydiinay kooxdii ku guuleysatay horyaalkii ugu horeeya ee dalka Soomaaliya. Haddaba jawaabtu waa kooxdan Jeenyo(LLPP), iyadoo hanatay sannadkii 1952/1953.
Haddana sedda jeer oo isku xiga ayay ku guuleysaty horyaalka. Kuwaasi oo kala aha Sannadihi: 1959/1960,1960/1961 iyo kii 1961/1962.
Sannadkii 1969/1970 ayey haddana markii shanaad la hooyatay horyaalka. Kooxdan intaa kuma qancin ee sannadkii 1980/1981 ayay markii lexaad noqotay kooxda horyaalka Soomaaliya.
Dhanka koobka Jeneraal Da’uud kooxda Jeenyo waa kooxda keliya ee 6 jeer ku guuleysatay koobkan Ugu dambeyntii kooxda Jeenyo waxay kooxaha kale kaga duwaneed in tababaraha kooxda uu markasta noqon jiray ciyaartooy markiisi hore u soo ciyaaray kooxda Jeenyo(LLPP) .
Taababreyaashii caanka ahaa ee kooxdan waxaan ka xusi karnaa
Maxamed X.Santone, Cumare Canjeste, Macallim Tuke, Budiste, C/qaadir Jarmal, Axmed Negro iyo Witig.
Waxaan isagana la iloobi karayn Guddomiyaha kooxda Nuur Huseen oo heerka kooxdan gacan weyn ka geestay

W/D Mohamed Busuri

mbusuri@sosca.ca