• Kabul Farm Champions

 

Kooxda Kabul Farm ayaa ku guuleysatay koobkii la magac baxay North America Challenge Cup 2011.

Tartankan oo lagu qabtay magaalada Toronto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Dini Nur `Diinay``.

Ciyaartii kowaad ee semi-finalka waxaa wada ciyaaray kooxda Hilac FC iyo Ohio United. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa goolka kowaad ku hormartay kooxda Hilac. Intii lagu jiray qeybta kowaad ee ciyaarta ayaa Ohio United ay iska soo gudeen goolkii.

Qebtii labaad ee ciyaarta inkastoo labadan kooxoodba ay heleen fursado badan haddana wey iska wada qasaariyeen. Gabagabadii ciyaarta waxay labadan kooxood isla dhaafi waayeen 1-1.

Haddaba si labadan kooxood ay midkooda guusho u raacdo waxaa loo dhigay rigooreyaal(Penalties). Rigooreyaashan ayaa waxaa ku adkaatay kooxda Ohio United sidaana ciyaarta Finalka ugu soo gudubtay.

Ciyaartii labaad ee semi-finalka waxaa foodda is daray kooxda Ohio Samba iyo Kabul Farm. Sidoo kale ciyaartani labada kooxood waxay isla dhaafi waayeen 1-1. Intaa kadib rigooreyaal loo dhigay ayaa waxa ay guusha ku raacday Kabul.

Ciyaartii finalka oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa wada kulmay Ohio United iyo Kabul Farm.

Bilowgii ciyaartaba waxaa weerar lagu qaaday kooxda Kabul, iyagoo gool halkaasi lagaga naxsaday.

Kabul oo aan niyad jabin ayaa iyaduna markeedi weerar soo qaaday halkaana ay goolkii bar bardhaca ku heshay.

Qebtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1. Qebtii labaad ee ciyaartana waxba iskama beddelin sheekada ee labadan kooxood wax gool kale halkaa wey ka dhalin wayeen.

Garsoorihii ciyaarta ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay labadan kooxood ku kala bixi lahayeen rigooreyaal.

Rigooreyaashan ayaa waxaa ay guusha ku raacday kooxda Kabul kadib markii Sheekh Maxamuud uu cirka mariyay kubaddii uu ku laaday golhayaha kooxada Kabul. Rutii Sheekha waa ciyaartooy aad u farsamo fiican inta ciyaarta socotana dhaliya goolal badana, balse markii rigoore loo dhigo wuxuu noqdaa Sheekh Shimibiro Dile. Ciyaartii semi-finalka iyo middii finalka labaduba labadii rigoore loo dhigay cirka ayauu kubadda wada mariyey, isagoo u muuqday inuu rabo shimbiraha cirka maraya inuu dilo.

Dhamaadkii ciyaarta waxaa halkaais lagu bixiyay dhowr koob. Koobakan ayaa waxaa loo kala helay sidan tan:

Kabul Farm koobkii kaalinta kowaad.

Ohio United kaalinta labaad.

Ciyaartooyga ugu fiican. MVP Omar Mohamed (Neymar), Ohio Samba

Tartanka dhaliyeyaasha. Top scorer Sheek Mohamud(Sheekh Shimbiro dile), Ohio United

Macallinka ugu fiican Best Coach Dahir Boodaye, Hilac FC

Dixon ayaa ku guuleysaay koobka aqlaaqda.

Koobka dhallinta ay da`dooda ka yar tahay 12 jir (U12) kaalinta kowaad Toronto All stars

Kaalinta labaad Scarborough United

Tartanka dhaliyeyaasha. Top scorer Sharmarka, Toronto All Stars.

Koobka dhalinta cuslaatay waxaa ku guuleystay Super Stars ee u hogaaminaayey Faris

Kaalinta labaad East Team ee uu abaanduule u ahaa Ahmed Ganey

By Mohamed Busuri

More pics coming soon


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line