• Columbus , Ohio Waa Kala Reebto!

Waxaa in dhoweydba afka lagu hayey cidda ay raaci doonto guusha kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ah ee ruug-cadaaga labadda magaalo ee Toronto iyo Washington . Sannad kasta bilaha April ( Columbus , Ohio ), July ( Toronto , Ontario ) iyo September ( Washington , DC ) ayaa waxaa uu tartan kubadda cagta ah dhex maraa ciyaartooydii cuslatay ee ku nool Waqooyiga Amerika. Haddaba waxaa uutuhun badan ku jiraa ciyaarihii ka dhici jiray Washington , DC bisha September ee sannadkan maadaama ay ku soo beegmayso bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Iyadoo ay arrintaas ka duulayaan ayaa waxaa sannadkan ciyaaraha Columbus , Ohio ka soo qayb galay ciyaartooydii cuslaatay ee Washinton , DC oo uu hor kacayey Khaliif Ricko. Khaliif wuxuu ciyaartoyda Toronto ka dhex raadinayey Xasan Xarbi oo ay balan u wada taalay balse noqday nin cabsaday oo aanan tartankan soo shir tagin, fuuliyoow guuli kuu dhaweydaa!

Waxaa bilaabaatay ciyaartii la wada sugayey waxaana kooxda Toronto u suurta gashay inay laba gool oo degdeg ah ka dhaliyaan kooxda Washington ka dib markii ay si wanaagsan iskula jaan qaadeen ciyaartoyda difaaca, khadka dhexe iyo kuwa afka hore oo kala ahaa Abdihakiim Ottawo, Mukhtar Cuti (gool), Loolow (gool),Abdihakim Dhere, Abdi Muhumed iyo Abdisamed.

Waxaa halkaas ka dhacay ciyaar ay dadkii daawanayey ku diirsadeen soona xusuusisay waayo waayo dhallinyaraddii tartankan ka soo qayb gashayna ay ka soo hartay af kala taag iyo malaysan waa si ay odayaashu ugu xaragoonayaan kubadda.

Waxay ciyaartu ku soo gabagaboobday 8-5 ay guushu ku raacday odayaasha Toronto in kastoo uu Xarbi ka maqnaa! Khaliif Ricko oo aan waydiiyey sababta guul daradda ugu wacan kooxdiisa ayaa ku calaacalay inay doorkan ay fahmi waayeen hanaankii cilmiyeysnaa ee ay labadda tababare ee kooxda Toronto ee kala ahaa Ahmadey B iyo Farah Odey oo kaashada khibradooda kubadda koleyga ee badalka isdaba jooga ah.

Waxaa xusid gaar ah mudan odayaashii ka soo qayb galay ciyaartaas oo kala ahaa: Khaliif Ricko, Mukhtar Cuti, Mohamed Osman Mataan (Loolow), Abdihakim Dhere, Abdi Muhumed (Abdi Madaxaygii Munishibiyo), Muslimiin, Osman Yashkiroow, Abdulahi Morgan, Abdisamed Sheik- Qasim, Abdi aziz Ahmed Mahdi, Somaliyow iyo akhyaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxaan kaloo in la tilmaamo mudan in siddeed ciyaartooy oo naadigii Mugadishu ka mid ahaa ay isugu yimaadeen kulankan sida aad ku aragtidba sawiradan, labadda ciyaartooy ee kalena waa Ahmadey B (Basketball) iyo Abdulahi Haji (Basketball).

Ugu dambeyntii Xiddighii hore ee kooxda Batrolka iyo xulka qaranka Mukhtar Cuti oo ku hadlay magaca dhamaan bahweynta sportiga ee Toronto iyo Washingto DC ayaa wuxuu mahad u celinyaa guddiga soo qaban qaabiya tartanka sida diiraneyd ee ay u soo dhaweyeen.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;