Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna soconaya 12-19-0/02/2010.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay kuna saabsan Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada dal iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Gacanta iyo Kubadda Koleyga Somalia .
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha XSK/Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka warbixiyay agaasinka Tababarkan Kubadda Gacanta wuxuu tibaaxay in XSKG inuu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xushay Tababarayaal ku haboon .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka Hans Peter Thuum wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha in ay ka faa`ideystaan Course-kan
Hans Peter Thumm Khabiir ka socda IHF una dhashay dalka Germany ahna Tababaraha tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarkan wuxuuna sheegay in uu wax badan ka caawini doono Tababarayaasha isla markaasna uu ku rajo weyn yahay in si wanaagsan uu ku dhamaado Tababarkan .
Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo wuxuu GOS ku amaanay dadaalka badan ee ay u galeen horumarinta tayeynta Tababarayaasha Soomaaliyeed wuxuuna kula dardaarmay in ay si weyn uga faa`ideystaan tababarkan.
“ Taarikhda Isboortiga Soomaaliya ma dhicin Tababaro sidan u weyn oo isku mar dhacaaya ,Mudada aan xilka hayo iyadoo ay kooban tahay haddana GOS dadaal ayay u gashay hirgelinta Tababaradani” sidaas waxaa ka dhawaajiyay Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo intaasi ku daray in GOS ay xagga maalgelinta ka kaashatay Olympic Solidarity wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta isboortiga jabuuti iyo IHF iyo khabiirka Hans Peter iyo shirkadaha Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay dhiirigelinta isboortiga Soomaaliyeed .wuxuuna ugu danbayn xarigga ka jaray furitaanka tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta.
W/D Said Ibrahim "buuna"
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|