• Khabiir ka socda FIFA oo Muqdisho soo gaaray

Sarkaal darajo sare leh oo ka socda Ururka kubada Cagta aduunka ee FIFA ayaa maanta dalka soo gaaray, waxaana ujeedada socdaalkiisu ay tahay in uu hogaamiyo tababar heer caalami ah oo FIFA u qabaneyso garsooreyaasha sare sare ee dalka oo ay ku jiraan kuwa heerka caalami.

Mr. Ahmed El Shenawi waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed, madaxa xafiiska isku duwida howlaha xiriirka Abuukar Islow Xasan iyo dhaqtarka caafimaadka Isboortiga Dr. Cabdi Ibraahim Axmed.

El Shenawi ayaa waxaa uu hogaamnin doonaa tababar noociisu yahay FIFA MA Course oo loo qabanaayo garsooreyaasha kubada cagta dalka kaasoo qorsheysan in uu ka dhoco magaalada Muqdisho inta u dhexeysa 20-24-ka bishan waxaana garsooreyaasha tababarka la siinayo ka mida kuwa heerka caalami ee dalka.

Khabiirkan ayay tahay markii ugu horesay ee dalka uu yimaado hase ahaatee waa markii sadexaad oo Soomaaliya uu tababr noocan oo kale ah u qabanayo, waxaana tababaradii hore lagu qabtay dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan imaado dalka Soomaaliya oo aan u qabto tababar heer caalami ah”ayuu yiri EL Shenawi oo hadlayay kadib markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan Maanta.

Dhanka kale waxaa wali aan imaan Boubakar Hanashi oo ah khabiir kale oo la qorsheynayay in maanta uu soo gaaro dalka, waxaana madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ay sheegeen in wali aanay garanayn waxa qabsaday.

“Labada khabiir waxaa ay ka kala imaanayeen wadamo kala duwan, sidaa daraadeed wali ma ogin waxa ku dhacay Mr. Hanashi, lagana yaabee inay tahay arrimo xaga duulimaadka la xariira, balse waxaanu hada xiriir la sameyneynaa FIFA si aan u ogaano sababaha keenay in maanta imaatinkiisa la waayo”sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Sacidi Carab.

Xoghayaha ayaa sheegay in macalin Kale oo Soomaaliyeed oo horay u qorsheysneyd in uu macalimiintan caawiyo Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) oo horay garsoore heer caalami ah u ahaa uu badali doono macalinka maqan balse wali ay taagan tahay rajada ah in Boubakar Hanashi uu imaan doono maadaama furitaanka tababarka ay laba maalmood ka dhiman tahay.

By Maxamed Cabdullaahi.

SFF Media Team
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line