• Kipling Champions 2012

Waxaa garoonka Kipling Collegiate Institute (KCI-INDOOR) ku soo gabagaboobay sabtidii ay taariikhdu ahayd March 3, horyaalka qaboobaha ee sannadka 2012 oo ay ku hardamayeen afar kooxood oo ka wada tirsan DIXON FC. Ciyaarahan ayaa waxay bilaabmeen January 2012 waxaana ciyaartii kama dambeysta isugu soo haray labadda kooxood ee KIPLING iyo WAAMO.



Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayey da'da dhallintani u dhaxaysay 15-18, waxayna muujiyeen xirfad aad u sareysa iyo akhlaaq intaba.


Ciyaartan ayey kooxda WAAMO ku hormartay 2 goal oo boobsiis ah balse kooxha KIPLING ayaa durba iska soo guday 2 bada gool. Waxaa la isla gaaray 4-4 balse waxaa dardar muujiyey kooxda KIPLING oo 2 gool oo darandoori ah dhalisay halkaasna ku noqotay horyaalka qaboobaha ee 2012.



Ciyaartooyda KIPLING ayaa kala ahaa: Mahaadi, Abdilatif, Nkosi, Rocky, Abdalla, Berg, iyo Elyas.
Kooxda WAAMO: Mahfuud, Masoud, Zakariye, Elyas, Ali, iyo Bindhe.



Koobka Akhlaaqda: Sacad
Top Scorer: Mahfoud Alkinsi
MVP: Mahaaadi

Waxaa halkan mahad gaar ah leh: Abaabulaha horyaalkan ciyaartooygii weynaa ee Gobolkii J/Hoose Mahamaadi Bakaari, tababre iyo garsoore Cali Baba, tababare Dirie, tababare Codka, laacibkii hore ee Qaranka iyo Batroolka Mukhtar Cuti, Eng. Abdisamed Sheik-Qasim, iyo tifatiraha website ka www.xiddigaha.ca iyo journalka SOMALI CANADIAN TIMES M Busuri iyo sawir qaade Ganey, waaliddintii halkaas soo xaadiray oo uu hogaaminayey Abdirizak Cadare iyo dhammaan ciyaartooyda DIXON FC.

Diyaariye: Abdimalik

Sawir Qaade: Mohamed Ganey




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line