|
Haddaba dhallin badan oo ka soo jeedda gobolkii caanka ku ahaa Banoonta Cagta amase Kubadda Cagta ee Soomaaliya cinwaanka korena uu hal hayska u ahaa ayaa waxay ku baahsan yihiin daafaha adduunka waxaana dhacday in habeynimadii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 24kii December, 2009 ka ay casho sharaf ugu sameeyeen makhaayadda Karuur ee magaaladda Toronto ee waddanka Canada Yasiin Karaani oo ka yimid waddankaasi Sweden. Waxaa cashadaas ka soo qaybgalay inta badan bahda reer J/Hoose ee Kismayu oo ay dhaqan u tahay soo dhoweynta ciddii magaaladooda ugu timaada. Yasiin Karaani wuxuu ka mid yahay akhyaarta reer Kismayu oo jecel horumarka Isboortiga guud ahaan waddanka Soomaaliya gaar ahaana gobolka uu ka soo jeeddo ee Jubadda Hoose wuxuuna ku guubaabiyey dadkii halkaas isugu yimid inay isku duubnaadaan sida ay caadadooduba u ahaan jirtay. W/D Abdisamed Sheik-Qasim
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|