• Xaflaldii koobka soo dhaweynta maamulka cusub ee Jubaland State

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd Isniin December 23, 2013 ayaa waxaa ay ka dhacday xaflad weyn oo lagu bixinayey koobkii tartanka xaafadaha magaaladda Kismayu oo ay ku guuleysatay Xaafadda farjano. Koobkan ayaa lagu maamusayey soo dhoweynta Wasiiradda Cusub ee Jubaland State.

Waxaa xafladdan ka soo qaybgalay dhammaan Wasiiradda iyo madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland State Mudane Cabdulqadir Maxamed (Luga-Dhere). Wasiiraddii yimid xafladdii iyaga lagu maamuusayey ayaa waxay ahaayeen:

Wasiirka Arimaha Bulshada
Macalin Maxamed Ibraahim Maxamud

Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga
Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Axmed Cabdixafiid (Dabare)

Wasiirka Beeraha,xoolaha iyo kaluumeysiga
Maxamed Aadan Jaamac

Wasiirka Caafimaadka iyo Fayo-Dhowrka
Xasan Daahir Yaroow

Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga
Maxamed Nuur Iftiin(Shambara)

Wasiirka Maaliyada
Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar

Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Bey'adda
Cabdnuur Cali Aadan

Waxaa kaloo xafladan ka soo qeybgalay bahda Sports ka, ururka dhallinyaradda, waxbarashada, naafadda, dadweyne aad u tiro badan. Waxaa halkaas khudbado xiiso badan ka soo jeediyey ururka dhallinyaradda, waxbarashadda, Dr. Cabdisamad Abikar oo si gaar ah ugaga hadlay xiriirka Sports ka iyo Caafimaadka. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose Mudane Burhan Kukuyo oo guddoonsiiyey abaalmarin qaali ah " Appreciation Award" guddoonsiiyey Eng. Cabdisamed Sheik-Qasim, sidoo kalana guddoonsiiyey abaalmarino kale Shakiib Dhowre iyo Cabdalla Shino oo labadduba aad u taageeray ka miro dhallintii maamulka cusub ee Sports ka gobolka.

Waxaa khudbado xiiso badan jeediyey Guddoomiyaha Degmadda Kismayu, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga, Wasiirka Arrimaha Bulshada, iyo ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-Xigeenka Labaad. Wasiirka Arrimaha Bulshadda ayaa si buuxda u taageeray horumarka Sports wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay dadkii ka mira dhaliyey hawshan qaaliga ah.

Waxaa Koobka kaalinta Kowaad iyo lacagba la guddoonsiiyey tababaraha xaafadda Farjanno iyadoo uu guddoonsiiyey Madaxweyne Ku xigeenka 2aad ee Jubaland State Mudane Cabdulqadir Maxamud (Luga-Dheere); kaalinta labaadna xaafadda Shaqaalaha. Ciyaar wanaag waxaa la siiyey Maxamed deeq oo kooxda farjano ah.

Waxaa loo dhaqaaqay qadadii loogu talagalay xafladda martidii ka soo qaybgashay munaasabadda iyo sii dhoweyntii Eng. Cabdisamed Sheik-qasim oo ka dhacday isla Hotel ka Golden Beach ee qiilmawaye.

Waxaa dhammaan dadkii ka soo qayb galay xafladda la isku raacay in la hormariyo Sports ka Jubaland State waxaana si gaar ah loo tusaaleeyey in qaybaha kale ee Sports ka sida Basket ka, orodada iwm la hormariyo iyadoo laacibkii waynaa ee Cabdalla Shino si gaar ah loola dardaaremay ishana lagu hayo garoomaddii Basket ka ee xaafadaha ku yaalay iyo kii Shirkole.

Waxaa Diyaariyey
M D Abdiwahab

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line