• Gudiga Olimbikada KGS iyo Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyerada oo kulmey

kulan ay magaalada baydhabo  ku yeesheen gudiga olombikada KGS  oo uu kasoo qaybgalay wasiirka wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada iyo waxgarad kale ayaa waxa halkaasi looga hadlay  waxqabadka gudiga olombikada konfur-galbeed.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda kahadlay kusimaha gudoomiyaha gudiga olombikada  KGS Cabduqaadir Shariif, isagoona  ku dheeeraadaay hawlihii  uu qabtay gudiga iyo waxa hada ay qabandoonaan mustaqbalka dhow ,isagoona amaan usoojeediyey dhalinyaro u cayaari jirtay gobolka Baay ee haatan kunool qurbaha.

 Waxaa sidoo kale kulanka kahadlay Haween iyo Rag katirsan olombikada KGS iyo masuuliyiinta dhalinyarada gobolka Baay .iyadoo halkaasina lagu soo bandhigay qalalab isboorti oo gudiga olombikada ay ugu soo deeqeen qurba joogta soomaaliyeed oo katirsan gudiga olombikada.

 Ugudanbeyntii  wasiirka wasaarada  isboortiga iyo dhalinyarada cabdulaahi cali cumar Fanax oo kulanka kahadlay ayaa amaanay gudiga olombikada isagoona sidoo kale bahda isboortiga uga warbixiyey waxyaabaha wasaaradiisu haatan kuhawlantahay isagoona sheegay in goordhow garoonka kubadDa cagta baydhabo dhismihiisa lacasriyeyn doono.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line