• Kooxda Cosmed oo booqatay garoonka Banadir

Barqanimadii maanta oo Jimce ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray kooxda kubadda cagta Comsed ee Magaalada Gaalkacyo qeybta maamulka Puntland, xilli xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu horay u shaaciyey inay kooxdani ay imaanayso kulamo saaxiibtinimana la qaadan doonto kooxaha Elman iyo Dekedda oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya.Wafidan oo ka koobnaa 21-ruux ayaa waxaa markii ay Maanta Muqdisho soo gaareen ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana la dajiyey sidii qorshuhu horay u ahaa Hotel-ka Global ee Magaalada Muqdisho

.

Kooxda COMSED ayaa galabta markii ugu horreysay soo booqatay garoonka Banaadir oo ay kulamada Saaxiibtinimo kula ciyaari doonaan Axadda iyo Arbacada soo
aaddan kooxaha Dekedda iyo Elman.Waxay qeyb ka ahaayeen daawashada ciyaartii galabta dhexmartay kooxaha Himillo iyo Rajo oo ka tirsanayd tartanka xiddigaha dalkeenna Soomaaliya.

Xubno ka tirsan xiriirka oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine ayaa kooxda COMSED ku soo dhaweeyey garoonka Koonis.Intaas kaddib waxaa shir jaraa'id si wadajir ah garoonka ugu qabtay Maasuuliyiinta horkacaysa naadiga COMSED iyo Xubno sare sare oo ka tiran xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Waxaa ugu horreyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble waxaana uu sheegay inay soo dhaweynayaan kooxda COMSED ee Puntland, islamarkaana ay kulamo saaxiibtinimo ciyaari doonaan, haddii xiddigo waxtar leh
laga helanaya lagu reebi doono Muqdisho oo lagu dari doono Qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Kooxda COMSED C/qani Carabeey oo ah shaqsiigi ka danbeeyay hoshaan oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaashiyaha Muqdisho, soo dhaweyn wanaagsanna ay la kulmeen, kulamada ay ciyaarayaanna ay rajeynayaa inay guulo ka
soo hooyaan.Kooxda COMSED waa kooxdii ugu horreysay ee ka socota gobollada dalkeenna Soomaaliya oo soo gaarta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, haddana ku ciyaaraysa garoonka Caws macmal ah uu yaalo waana Koonis.Sawir qaade: Haaruun Yuusuf Khasaaro

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line