• Last Tango In London

Cabdisalaan Muumin shaqsi wanaagsan oo shaqo badan ka qabtey koobkii Somaliweek 2010.

Waxaa wanaagsan ah in mar walbo fiiro gaar ah loo yeesho dadka waxtarka ah ee bulshadeena in wax loo qabto daacada ka tahay islamarkaana waxa ay qabanayaan u qabta si ay ku jirto daacadnimo, Soomaalinimo iyo howlkarnimo lilaahi ah, intii la buun buun lahaa kuwa jaakadaha usoo xirtey inay lacag iyo magac aanan jirin ay u samaysan lahaayeen, kuwaasoo caado ka dhigtey inay ku kale tartamaan koobab bixin iyo sidii looga arki lahaa shaashadaha.

Hadaba anigoo markasto ka duulaya aragtideeyda islamarkaana dhiirigalinaya dadka waxtarka ah ayaa waxaan rabaa inaan tilmaamo wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada London lana yiraahdo Cabdisalaan Muumin, kaasoo ka mid ahaa dhalinyaradii ka shaqaynaysay koobkii Somaliweek London 2010 ee lagu soo gabagabeeyay Waqooyiga magaalada London.

Cabdisalaan Muumin wax qabadkiisa intii ay socdeen cayaarahan labada asbuuc ah, runtii ma ahan wax halkaan aan ku soo koobi karo howlihii u gacanta ku hayay ee uu sida wanaagsan uga soo baxay,marka u shaqadaas u soo qabto gudiga maamulayay koobka, hadane habeenkii waxa u noo soo gudbin jirey natiijooyinka cayaaraha dhacay, cayaaraha dhici doono maalinta xigta iyo sawirada ciyaartooyda iyo dadweynihii ka soo qayb galey, si aan wax uga qorno wixii dhacay maalin kasto.

Xafladdii xeritaanka ayuu Cabdisalam sidoo kale ka muujiyey in da'daalkiisa aanu ku ekeyn oo keliya garoonka balse ciyaarta qoob ka ciyaarkana uu ku daran yahay, isagoo halkaasi TANGO kula ciyaaray gabadh qurxoon.

Waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynayaa inaan uga mahadceliyo Cabdisalaan Muumin dadaalkii iyo shaqadii uu qabtey intii ay socdeen koobka Somaliweek London.

W/D Yusuf Yusuf




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line