• Qorituurka London Futasal Tournament

 

Waxaa Magaalada London ee cariga dalka Britian lagu qabtay xaflada Qorituurka Cayaaraha Futsal-ka ee London Futsal Tournament 2014 (LFT), iyadoona xaflada Qorituurka ay kasoo qeyb galeen dad weyne aad u fara badan oo isugu jirey Cayaartoy hore oo Magac ku lahaa saaxada Isboortiga Soomaaliyeed, Fanaanka weyn ee Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad, Madaxda Jaaliyada Isboortiga UK, Ururka Haweenka iyo Dadweyne kale oo aad u fara badan.


Xafladaan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen xubno kala Matalayay kooxaha iyagu ka qeyb galaya Tartanka Cayaaraha LFT-2014, ayaa waxaa halkaasi Khudbado kala gedisan ka jeediyay Madaxda Abaabulka iyo Marti Sharaf kale, iyadoona halkaasi Amaan loogu jeediyay Madaxa Qaban Qaabada Cayaaraha LFT, Yuusuf Maxamed Cabdi (Yuusuf Yuusuf) oo markii ugu horeesay sanadkii 2012 dalka Britian ka Abaabulay Qabashada Tartanka Cayaaraha Futsal-ka.

Cayaarahaan ayaa waxaa ka qeyb galaya illaa iyo 6-kooxood oo u ku tartami doona Koobka London Futsal Tournament 2014, oo 30.03.2014 ka dhacaya Magaalada London, iyadoona Cayaarahaan ay kasoo qeyb gali doonaan marti sharaf kala gedisan oo lagu marti qaaday kuwaasi oo magac ku dhex leh bulshada dhaxdooda.
Kooxaha ka qeyb galaya Cayaaraha.
Group A:
Banadir
Manchester
Nabadda
Group B:
Hillside
Jubba
Moss side


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line