• Magan Oo Ka Qeybgalay Tartan Lagu Qabtay Slovenia

Ciyaaro Heer Caalami ah oo Kubadda Miiska oo ka dhacday Dalka Slovenia ayaa Qaar ka tirsan Taageerayaasha Ciyaaryahanka Caanka ah ee Soomaaliyeed ee Ciyaara Ciyaarta Kubadda Miiska ee Magan Tahir Yuusuf ay Soo Qaateen Calankii Soomaaliya iyaga oo la Soo Dhex Galay Garoonkii lagu Ciyaarayay Ciyaartaas.

Ciyaarahan oo lagu Qabtay Magaalada Lasko ee Dalka Slovenia dhawaan ayaa waxaa soo abaabushay isla Dawladda Slovenia waxaana uu Ciyaaryahan Magan ka Qayb galay isga oo ku Ciyaarayay Magaca Wadanka Netherlans Balse waxaa Kadis ku Noqotay Magan ka Dib Markii uu arkay Qaar ka tirsan Taageerayaashiisa oo soo Qaatay Calankii Soomaaliya oo garoonka la imaaday Taas oo Muujineysa sida ay u Jecelyihiin Ciyaar yahan Magan.iyaga og in Magan uu asalkiisu ka soo jeedo Wadankii soomaaliya Sidaas daraadeedna ay u soo qaadeen Calankii Soomaaliya si ay u muujiyaan Taageerada Buuxda oo ay u haayaan Ciyaaryahan Magan.

Ciyaar yahan Magan ayaa aad ugu Mahad Celiyay Taageerayaashiisa Sida ay ula Dhacsanyihiin Ciyaarihiisa waxaana uu saxiixay Calankii Soomaaliya oo ay Horey u Wateen.

arintan ayaa waxaa ku tusineysaa sida dadka Soomaalida ee Horumar ka gaara Waxa ay Jecelyihiin in ay Dadka kale ee ajnabiga ah ee aad u jeclaanayaan,iyadoo Wadankii Soomaaliyana uu Bur Bursanyahay Muddo ka Badan 18 Sano.Maxaadse u Maleyn Lahayd haddii ay Dawladii iyo Maamulkii Soomalida uu sidiisa u Dhisnaan Lahaa.Ciyaarahaas ayaa ku soo Gaba gabooway sidii loogu tala Galay.

W/D Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
deeq1982@hotmail.com
Leeuwarden.Fresland.Netherlands



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line