| Mohamed Buuwe ayaa afur iyo casho sharaf ugu sameeyay gurigiisa marti isboorti oo soo gaarey magaalada London, kuwasoo kale ahaa: C/qaadir Hagi Dahir ‘’ Shiikha’’ macalinka xulka qaranka kubadda koleyga dalka Soomaaliya, kana yimid dalka Mareykanka. Mudane Ganey macalin iyo ciyaartooy hore ciyaarta Handball-ka dalka Soomaaliya, kana yimid dalka Sweden. Mudane Cabdi Rabi oo ka mid ah dhalinyarada isboortiga ku qabta dalka Canada. Mudane Cabdisalaan Caato ahna suxufi & Film Producer, ku nool dalka Mareykanka. Waxaa afurka loo sameeyay martidan kale soo qayb galay aqyaar kale oo isboorti ah oo degan magaalada London
W/D Yusuf Yusuf London
|
|