• FADHI KU DIRIR ISBOORTI OO DHAXMARTEY MAXAMED IYO MUUSE ''MAXAMADOW ISBOORTIGA MAXAA LAGA SHEEGAY?

     

MUUSE: Maxamadow wax badan ayaan kala maqnayn. Sportiga Sportiga Soomaaliya ayaan la yaabay. Wallaahi ayaan ku dhaartayee inuusan waxba dhaamin fadhi ku dirirka siyaasadda. Maxaa loo lahaa isboortiga cunsirinimo ma leh. Qabiil ma leh. Midabtakoor ma leh. Eexasho ma leh. Aniga Muuse ahaan marmar waxaan is iraahdaa ka sheekaysiga isboortiga ma joojisaa, haddana meel kaloo aan uga beddesho ayaan waayaa. Maxamadow maalmahan isbortiga maxaa laga sheegay?

MAXAMED: Muusow waxa aad sheegtay oo dhan waa run. Laakiin waxaa la sheegayey waxyaallo fara badan inta aan kala maqnayn:

1. Kow koox magac Qaran huwan oo hadane shaqsiyaad iska wata waa la sheegayey.

2. Qarankii Soomaaliya oo dambiisha ay wateen goolal buux dhaafiyey waa la sheegayey.

3. Group Qurbaha ku nool oo isboorti kula sheeganaa, hadane Qaran iyo Qabiil aan kala aqoon waa la sheegayey.

4. Koox Qurba joog ah la magac baxday Soomaali Sitimaanle, oo guullo ka keenay khaliijka waa la sheegayey.

5. Dawladda ku meel gaarka ah wakiilkooda isboortiga in la dacaayadeeyey waa la sheegayey.

6. Kooxda Qurba joog Somali Sitimaanle in deeq qalab isbooort ay u dhiibeen walaalahooda Soomaaliya jooga waa la sheegayey.

7. In Gobolada Koonfur Galbeed uu ka dhashay kacaan lagu abaabulayo xulka Qaranka Soomaaliyeed waa la sheegayey.

8. In Wasiirka isboortiga uu xiriirada qaarkood uu ka xayuubiyey awooddii iyo aqoonsigii waa la sheegayey.

9. in xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ay dalka Qadar iyo magaalada Doha aadayaan waa la sheegayey.

10. In Ururka Badbaadada ee isugu tagay cayaartooydii hore ay tababar garsoore ka fureen magaalada Muqdisho waa la sheegayey.

11. In Hay'ad caalami ah la magac baxday HIRDA inay qalab isboorti iyo lacago ugu deeqday kooxaha Gobolada, Qurba joogta iyo Ururka badbaadada waa la sheegayey.

12. In Xoghayaha GOS in ay khaldaadkooda sixi doonaan, waa la sheegayey.

13. In tababarayaasha Soomaalida meel looga dhacay oo laga dul keenay macalin Kenyaan ah aan waxba aqoon, waa la sheegayey.

14. In Gabdhihii macallamiinta u ahaa xulka Qaran Gabdhaha laga dul keenay macalin kale oo wiil ah waa la sheegayey.

15. In shaqsiyaad isbaaraystay isboortiga, ha is casilaan la yiri waa la sheegayey.

16. In ciyaartoydii cayaaraha fudud iyo macallinkooda ay ku dhibaataysan yihiin DUBAI, waa la sheegayey.

17. In Cabdulqaadir Caddaay uu caawiyey macallamiintii xulka Qaran gabdhaha waa la sheegayey.
18. In xulka Qaranka ee kubadda cagta lagu badalo kooxda Somaliweek waa la sheegayay.
Muuse: Maxamedow wixii la sheegayey iyo wixii aad sheegtey iyo wixii aan sheegi lagaaba sheekaa ka dambeysa.

La soco qaybta kale iyo MAXAMEDOW MAXAA LA SHEEGAY.
W/D:Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line