• Bahda Sportiga & Jaaliyadda Atlanta oo casumay Xildhibaan Maryan Cariif

Waxaa magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay Casuumaad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweenaayey Gudoomiyaha Guddiga dib u eegidda Dastuurka Jamhuuriyadda Soomalia Marwo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasiim,waxaana soo dhaweyntaasi ka soo qeyb galay Jaaliyadda reer Atlanta oo aan u kala harin sida Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka,Somaali-American Center,qaar ka tirsan hoyooyinka,Dhalinyaradda,Odayaasha iyo xubno magac iyo maamusba ku leh Bulshadda Soomaaliyeed oo hore u soo qabtay Jagooyin sar sare ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,waxaana uu jawiga ahaa mid aad iyo aad raali looga noqday.


Waxa ugu horeyntii halkaa warbin ku siiyey Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo isagoo ku hadlaayo Magaca Bulshooyinka kala duwan ee Atlanta ku soo dhaweeyey Magaaladda Atlanta oo Taarikh ku leh soo dhaweynta Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha kale duwan oo aan la nool nahay,waxaana warbixintiisa ka mid ahaeyd isago la socodsiiyey Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim in uu Magaaladaani nagu Soo booqdeen Madaxweynihii Hore ee Soomalia Mudane Shekh Shariif,Wasiirkii Hore ee Tacliinta sare Mudane Cabdisalaam,Aaden Ducaale oo ka mid aha Barlamaanka Keenya,Dr. Brown oo ah Madaxweynaha Jaamacadda Clark Universaty.

,

Ciyaaryahanadda iyo Tababarayaasha Olimpigadda ugu caansan sida Tommy Smith,Kevin Young,Ron Davis,Dr. Mike Spino,Ian Dube iyo qaar kale,waxaana ay Atlanta ku heshay qadarin aan la koobi karin iyadoo safka hore ugu jirta Jaaliyadaha qurba joogta ah,waxaana Gudoomiye Dr. Cali Cusmaan Cali halkaa loogu tumay sacab aad oo uu ku kasbaday si hufan uu u warbixinta u siiyey Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim.


Gudoomiyaha Guddiga dib u eegidda Dastuurka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa waxa ay marka hore u mahadcelisay Jaaliyadda reer Atlanta oosi qiimo leh u soo dhaweeyey,waxayna uga warbixisay marxaladihii kala duwanaa uu soo maray dastuurkeenna,waxayna sheegtay in 99% uu yahay mid la socon kara dastuuradda ka jira addunka,waxaana jira meelo aad iyo aad u yar yar oo loo baahanyahay in la saxo,waxaana laalnay qodobo dhawr ah oo aan la socon karin itijaaha Siyaasadeed oo ay Ummadda Soomaaliyeed tiigsaneyso,waxa kaloo ay sheegta in qaar kalena ay miiska noo saaranyihiin oo ay doodeedii aan ku guda jirno,annagoo rajeyneyno in aan dhameystirno,waxyna Xildhibaan Maryan Cariif ay u mahad celisay Gudoomiyaha Barlamaanka,Gudoomiyey kuxigeenadda iyo xubnaha Barlamaanka oo gacan weyn ka geystay hawsha culus oo ay u xilsaaranyihiin.


Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Gudoomiyaha Guddiga dib-u eegidda Dastuurka ay la socodsiisay Jaaliyadda reer Atlanta in maanta ay Soomaliya guud ahaan ka jirto nabadgelyo la isku haleen karo,waxayna farta ku fiiqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu,iyadoo sheegtay in ay tahay meel nabdoon wallow ay mar marka qaar ka dhacaan dhibaatooyin keena qasaarooyin culus,taa micnaheedu ma ahaa in dhibaato jogta ah ay jrto,waxayna sheegtay in dawladda ay u hurtay wax alla waxii awoodeeda ah oo dib loogu soo celinaayo nabadgelyadda iyo kala dambeynta taa oo guul taariikhi ah laga gaaray.


Gudoomiyaha Guddiga dib u eegidda Dastuurka Xidhibaan Maryan Cariif ayaa ka war bixisay wada shaqeynta ka dhaxeysa Dawladda Soomaaliya iyo barlamaanka taa oo ku qotonta in la hawl galo sidii ay mar kale Ummadda Soomaaliyeed ay lugaheeda iskuugu taagi laheyd,sidii dib loogu soo celin lahaa karaamadii Qaranka Soomaaliyeed uu lahaa,sidii dadka Soomaaliyeed loo walaaleyn lahaa kuwaa oo maanta laga gaaray meel aad iyo aad u sareysa ka dib markii la geliyey juhdi aad iyo aad u sareya.
Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Gudoomiyaha Guddiga Dib-u eegidda Dastuurka ayaa waxa ay u sheegtay ka soo qeybgalayaashah in Wadanka Soomaaliya ay soo gaartay dhibaatooyin baaxad weyn oo kaga yimid dagaaladii Sokeeyey oo waxyeeleeyey kaabayaashii Dhaqaalaha,Siyaasadda iyo Bulshadda,waxaana uu u baahnaan karaa in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caqabadahaasi looga gudbo,iyadoo ku boorisay aqoonyahanadda halkaa joogay in ay yimaadaan wadankii oo aan looga maarmin aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda,taa ma aha micnaheedu in aan laga gudbi karin dhibaatooyinkaasihaddi aysan imaanin wadanka waayo waxa jira qaar idinka mid ahaa oo maanta waqtigooda qaali ah u huray badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed,mar waxa wanagsan in aad garab siisaan aqoonyahanadda maanta ku hawlan samatabixinta Dalkooda iyo Dadkoodaba.
Gudoomiyaha Guddiga did u eegidda Dastuurka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim iyadoo ay ka muuqato shucuur Soomaalinimo ayey waxay tiri ...Waxa wax lagu farxo ah in aan maanta Magaaladda Atlanta ku arko dad Soomaaliyeed oo ka gudbay waxyaabaha dib u dhaca u keenay Ummadda Soomaaliyeed si QABIILKA oo runtii ah mid aan qaran dhiseynin,waxaana ballanqaaday in ay gaarsiiso Madaxda sare ee Soomaaliya,waayo waxaan soo maray meelo badan oo addunka ka tirsan oo uu QABIILKA yahay sheyga qofka lagu qiimeeyo,waxayna ku boorisay Jaaliyadda reer Atlanta in ay halkaa ka sii wadaan sida ay mudnaanta u siiyaan wadaniyadda oo run ah wax lagu faano.
Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim waxay kale Fursad u heshay in ay la kulanto Dr. Mike Spino oo ah khabiir Olimpigadda iyo Bare Jaamacadeed saaxiib dhawna la ah Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka,iyo Ian Dube oo ah Gudoomiyaha Ciyaaraha Fudud ee Gobolka Georgia oo labaduba diyaar u ah in ay la shaqeeyaan horumarinta arriimaha Bulsha sida Waxbarashadda,Caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee Isboortiga,waxay kaloo halkaa ugu hambalyeysay Mudane Axmed H. Hassan oo dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaaladda Atlanta isagoo xubin ka ah Guddiga Joogtadda ah ee degmadda Clarston oo ay Soomalida wada degenyihiin,waxa kaloo shirkaasi goob joog ka ahaa Inj. Cumar A.Shekhey Gudoomiyaha Jaaliyadda iyo Dr. Maxamed cali Nuur oo ka mid ah aqonyahanadda Soomaaliyeed jagooyin sar sarena ka soo qabtay Dalka Soomaaliya,waxaana uu shirkii ku soo dahmaaday si heer sare ah oo loo wada khushuucay.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line