• Barcelona Oo Daaqadda Ka Tuurtay Chelsea

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha Chelsea iyo Barcelona. Labadan kooxood ayaa lugtii hore ee semi-finalka Champions League ee lagu qabtay guriga Barcelona ay isla soo dhaafi wayeen 0-0.

Lugtan labaad ayaa iyadu marti gelisay Chelsea. Bilowgii ciyaarta Barca ayaa weerar badan qaaday. Halka Chelsea ay iyadu is difaac ku jirtay, iyadoo weliba aad arkeysay ciyaartooyda weerarka ugu ciyaaro sida Drogba iyo Anelka oo difaac ku jira.

Iyadoo ay arrintu sidaa tahay oo lees leeyahay caawa Chelsea godkeeda ayaa biyo ugu galay, ayaa si lama filaan ah Essien uu gool cajiib ah u dhaliyay. Intaa wixii ka dambeeyay Chelsea xogaa neefta ayaa ku soo noqotay waxayna bilabeen iney ku dhiirato weerar qaadid.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Chelsea. Qeybtii labaad ayaa Chelsea waxay heshay dhowr fursado laakin intaba wey iska lumiyeen gaar ahaan Drogba ayaa inta badan ku qubeestay.

Daqiiqadii 90aad oo ay taageereyaasha Chelsea isu diyaarinayaan ciyaarta finalke ee ka dhici doonta Roma ayaa goolkii bar bardhaca ay heshay Barcelona sidaana Riyaddii Chelsea iyo taageereyaasheeda ay daaqadda kaga baxday.

Ciyaarta finalka oo Roma ka dhici doonta May 27,2009 ayaa waxaa foodda is dari doonaa Messi oo hagaaminaya Barcelona iyo C.Ronaldo oo abaan duule u aha Manchester United.

Ciyaarta Chelsea V Chelsea halkan ka daawo

 

 

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line