• Wiil & Aabihii oo 869 Maalmood ka weyn wiil iyo Aabihii!!

     

Labada ciyaaryahan ee Kubadda Cagta ugu caansan dunida Cristiano Ronaldo iyo Messi ayaa mar walba waxa ay soo bandhigaan ciyaaro la jecleeysto iyo goolal aad u qurux badan,waxayna labada ciyaaryahan ku tartamaan dhan walba sida,laadadka tooska ah,Rigooraha, Madaxeynta,Baasaska,Orodka,Xirfadda iyo tartanka gooldhalinta.

Ronaldo iyo Messi waxaa kale oo ay ku loollamaan Abaalmarinta Xiddiga ugu wanaagsan Ciyaaraha Yurub iyo Adduunkaba,labadan ciyaarayahan oo mar walba loollanka si gaarka ah uga dhexeeya ayaa haddana waxa ay u kala saftaan labada Naadi ee Addunka ugu caansan Barcelona iyo Real Madrid.Waxaa haddaba la yaab leh in Ronaldo uu ka weyn yahay da' ahaan Messi,waxaana uu Ronaldo weyn yahay 869Maalmood.

Waxaa arrinan ka sii yaab badan in maalintii Jimcaha bishuna ahayd labada Novembar sannadka 2012ka wiil u dhashay Xiddiga xulka Argentin iyo Barcelona
Messi,wiilkaa oo loogu magac daray Tiago ayaa haddana la koowsaday tartan hor leh oo dhexmara Cristiano oo ah wiilka uu dhalay Ronaldo.

Waxaa durba la xaqiijiyay in Cristiano oo ah wiilka uu dhalay Xiddiga xulka kubadda cagta ee Portugal iyo Naadiga Real Madrid uu ka weyn yahay Thiago oo isna ah wiilka Messi 869 Maalmood.

Waa dhacdo la yaab leh in 869 maalmood ay wiil iyo aabihii ka weeynaadaan wiil iyo aabihii kale, oo tartan u dhexeeya,waana
wax ay xiiseeyaan bahada Spoortiga,waxaana la saadaalinayaa in Ciristiano iyo Thiago ay dhdexmari doonaan loollan cusub oo ay ku baratamaan

Ciyaarta kubadda cagta taas oo ah ciyaarta ugu shacbiyada badan Adduunka aadna loo xiiseeyo.waxaan sugnaaba waa Tiago iyo Cristiano.

W/D Musse Sh. Abukar
xafiiska xiddigaha, Swedan




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line