| 
Kooxda kubadda koleyga ee Minnesota ayaa iyadu ku guulaysatay koobkii kubadda koleyga toddobaadka Soomaalida ee Toronto, ka dib markii cayaarteeda kama dambaysta ahayd (Final) ay si xarago badan uga adkaadeen kooxda Hilac oo ka mid ahayd kooxihii ugu ciyaarta waaagsanaa tartanlkaasi.Waxaana kooxda Minnesota ay ku adkaadeen 64 dhibcood, halka kooxda Hilac ay ka keensadeen 57 dhibcood.

Cayaarahaasi oo iyagu si xamaasad badan uga socday magaalada Toronto muddadii u dhaxaysay July 2nd ilaa July 9th 2010, ayaa waxaa ku tartamayay kooxaha Toronto, iyo Minnesota. waxaana gabi ahaanba kooxahaasi ay soo bandhigeen cayaaro farsamadeedu aad u heer sarreysay, aadna u soo jiidatay daawadayaashii faraha badnaa ee galab kastaaba soo camiri jiray garoonka.

Munaasabaddii xiritaanka ee tartanka ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Duran Faarax iyo marti sharaf aad u faro badnayd oo isugu jiray macallimiin,iyo ciyaartooy kuwaasi oo ka kala yimid daafaha dunida ha noqdeen Europe, Carabta,iyo North Amerika.

Ugyu horreyntii waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay Guddoomiyihii guddiga qabanqaabada ee tartanka Mudane Saciid Faarax oo isagu ka mid ahaa halgamayaashii kubadda koleyga, waxaana uu ka warbixiyay qaabkii uu tartankani ku soo billowday, iyo juhdiga faraha badan ee la galiyay. Waxaana guddoomiyuhu uu ammmaan ballaaran u soo jeediyay dadkii la soo shaqeeyay ee waqtigooda galiyay, marti sharaftii barnaamijkani lagu casuumay ee meelaha fogfog ka yimid sida: UK.Qatar, North Amerika iyo dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Duran Faarax oo isagu munaasabaddii xiritaanka soo gabagabeeyay ayaa ugu horreyntii u mahad celiyay dadkii barnaamijkani quruxda badnaa isku soo dubariday. Guddoomiyaha ayaa si qoto dheer uga warramay waxqabadkii guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo hawlaha baaxadda wayn ee uu soo qabtay iyo kuwa haatan horyaala.
Bahda K/koleyga ayuu guddoomiyuhu ku baraarujiyay in ay ku dadaalaan soo saaridda jiil cusub oo mustaqbalka meelo sare gaarsiiya magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyuhu uu aad u ammaanay farsamadii cayaareed oo ay muujiyeen kooxihii halkaasi ku hardamayay.
Munaasabaddii xiritaanka waxaa halkaasi lagu daawaday filim uu soo bandhigay cayaaryahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yaasiin Jaamac oo u ciyaara xulka kubadda koleyga dalkaasi Qatar kaasoo aad ay u jeclaysteen dhammaanba dadkii faraha badnaa ee ka soo qaybgalay.
Yaasiin Jaamac oo isagu hadal gaaban (Presentation) halkaasi ka soo jeediyay ayaa caruurta Soomaaliyeed ee halkaasi ku tartamaysay ku ammaanay aqoonta iyo xirfadda sarreysay oo ay soo bandhigeen. waxaana uu u soo jeediyay in ay ku dadaalaan waxbarashadooda , Allana ay ku xirnaadaan oo aysan ku dayan (Role Models) ka dhigan kuwa qaabka xun ku socda.
Fiiro Gaar Ah: Muddadii Toronto ay cayaaraha ka socdeen waxaa isagu garab socday shirar joogto ahaa oo ay wada yeelanayeen Bahda K/Koleyga ee North Amerika, waxaana lagu ballamay in la dhiso dalad kulmisa bahda kubadda koleyga ee North Amerika, kaasi oo noqon doona mid si aad ah looga baaraan daga.
W/D Shiikha
|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|