• Ciyaarihii Toddobaadka Soomaalida Minnesota oo la soo gabagabeeyay

Tartamadii ciyaareed ee kubadda cagta iyo Koleyga ayaa maanta oo ku beegnayd dabaaldaggii 4th july 2010 lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta ee James griffin Stadium, iyada oo ciyaartii kama dambaysta ahayd ay foodda is dareen labada kooxood ee kala ahaa Boston, Maine iyo  Iftin seattle Wa.

Labadan kooxood ayaa iyagu ciyaarahoodii semifinalka waxaa ay ka soo kala adkaadeen Kooxaha Cedar Stars oo iyadu la saadaalinayay inay sannadkan ku guulaysan doonto koobka iyo kooxda Faribault FC.

Kooxda Cedar ayaa iyadu lagu reebay rigoorayaal(Penalty) 6 iyo 5, halka kooxda Boston ay ugu awood sheegatay 3 gool iyo 0 kooxda FC,Faribault.

 

Ciyaartii kama dambaysta oo dadweyne aad u faro badani ay ka soo qaybgaleen ayaa waxaa ay guushii 2 gool iyo 0 ku raacday kooxda  Iftin Seattle oo iyadu sannadkan noqotay horyaalka kubadda cagta toddobaadka soomaalida Minnesota 2010.

 

Dhanka Kubadda koleyga oo iyadu la soo gabagabeeyay maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd  07/03/2010 ayaa waxaa guushii 68 dhibcood ay ku raacday kooxda Iftin, halka kooxda Hillaac ay ka keensadeen 66 dhibcood.

 

Munaasabaddii xiritaanka  ayaa waxaa halkaasi joogay martisharaf aad u faro badnayd oo isugu jiray halgamayaashii isboortiga,  maamulayaal,Macallimiin,  iyo ciyaartooy intuba.

Ugu horreyntii waxaa halkaasi warbixin guud ka soo jeediyay guddoomiyihii qabanqaabada tartanka ee sannadkan C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo isagu ka warbixiyay qaabkii uu tartanka ku soo billowday iyo heerkan maanta ah ee la gabagabeeyay.

 Shiikh Xasan Jaamici  ayaa isaguna halkaasi dardaaran iyo wacdi diini ah ka soo jeediyay.

Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Calli Macallin oo isagu munaasabaddii xiritaanka ka hadlay ayaa aad ugu fogaaday faaiidada iyo waxtarka uu isboortigu u leeyahay  dhallinyarada soo koraysa iyo fursadaha ay ka heli karaan dalkan  horay u maray.

Waxaa kale uu guddoomiyaha ka hadlay  qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiyaan munaasabadaha loo dabaal dagayay ee 26 june, 27 June,1st July iyo munaasabadda 4th july oo ah  dabaaldagga  qaranimada Maraykanka.

Ugu dambayntii guddoomiyuhu waxaa uu u mahadceliyay dhammaanba dadkii sida hufan uga soo shaqeeyay barnaamijka isaga ah, marti sharaftii inooga timid dibadaha iyo guud ahaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay. Sidoo kale waxaa uu u hambalyeeyay kooxda Iftin Seattle oo iyadu tartanka ku guulaysatay iyo kooxdii gashay kaalinta 2aad oo ahayd Boston,Maine  oo iyaduna muujisay ciyaar wanaag.

Ciyaartan ka hor waxaa halkaasi cayaar kulul foodda is daray Odayaasha cayaaraha ka cuslaaday iyo Kooxda Da’wa , waxaana halkaasi ay isla dhaafi waayeen barbaro 3 gool iyo 3 Gool.

Sidan ayaa abaalmarinadii loogu kala guulaystay:

K/cagta Kaalinta 1aad kooxda   Iftin Seattle

K/Cagta Kaalinta 2aad Kooxda Boston Maine

Ciyaaryahankii ugu ciyaar wanaagsanaa  tartanka (MVP) oo la siiyay Cabdimaalik  oo ka socday kooxda

Seattle Wa.

K/Koleyga,Kaalinta 1aad kooxda  Iftin

K/Koleyga ,kaalinta 2aad Hillaac

Fiiri gaar ah: Waxaa iyaduna xusid  in isla maalinimadaasi guddiga qabanqaabada ee tartanka ay qado u sameeyeen madaxdii iyo tababarayaashii kooxaha , iyada oo halkaasi la isku dhaafsaday qaabka ugu wanaagsan ee loo horumarin karo isboortiga North Amerika ee Kubadda Cagta iyo Koleyga.

Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Maxamed Xaaji Ureey , Caydiid Jeenyo, Cabdullahi , C/risaaq Marshaale, C/raxmaan Aamaan,Khaliif Riiko,samatar,Shiikha,Madaxey iyo Maxamuud Ciise, waxaana giddigoodaba ay isku aragti ka noqdeen  in loo istaago xoojinta iyo taakulaynta dhallinta Soomaaliyeed.

C/qaadir Shiikha oo isagu  ku hadlayay magaca guddoomiyaha Isboortiga  ,ahaana guddoomiyihii qabanqaabada ee tartanka ayaa u  mahadceliyay dhammaanba  dadkii ka soo qaybgalay xafladdaasi qadada ah.

 Diyaariye:Shiikha

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line