• Mo Farah oo kulankiisa Bari wal wal laga qabo

 

Mo'Farah ayaa Maalinta Barrito, ciyaari doona Finalka Ciyaaraha Fudud ee Olombikada 5000-mt, iyadoona Maalinta Barrito uu Mo Farah la ordi doono Ciyaaryahanka loogu cabsi qabo in uu ku guuleesto kulunkaasi ee Bernard Lagat oo Asalkiisa u dhashey wadanka Kenya balse u ciyaara USA.
Mo ayaa sidoo kale la ordi doona Ciyaaryahan Mimin Geela oo u dhashay dalka Jabuuti oo sanadkaan usoo gudbay Finalka Olompicada 2012.
Eng. Baana Abdalla Ali oo ah Tarvel Ambasaddor London Olompic 2012, oo Mo farah ku booqday Hoyga uu ka dagan yahay Olompic Village, ayaa sheegay in Mo uu ku haminayo Guusha Ciyaarta Finalka ee uu ciyaari doono Maalinta Barrito ah.
Mo Farah ayaa Taageerayaal fara badan oo u dhashay dalka Britian, iyo Soomaaliya Maalinta Barrito ah ka sugaya in uu guuleesto, iyadoona hadii uu Mo Guuleesto Barrito ay Noqoneeso Recor-kii ugu weynaa uu dhigo nin Soomaali ah, inkastoo Mo uu u ciyaarayo Wadanka Britian.

Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line