• Mo Farah" Waxaan Jeclaa Inaan Noqdo Ciyartooy Caan Ku Ah Kubadda Cagta"


Barnaamijkii xiddigaha ee cadadkan waxaan ku soo qaadan doonaa
ciyaartooyga caanka ah ee Mo Farah.

Maxamed Faarax oo ku magac dheer Mo Farh wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka
Somalia March 23, 1983.

Mo Farah isagoo 8 jir ah ayaa dagaalkii Somalia kadib reerkiisa u soo qaxay wadanka UK

Mo Farah waa ciyaarahan caan ku ah dhanka ciyaarha orodada.Ilaa iyo imminka guulihii uu soo hooyay waxaa ka mid ah: The British road record for 10,000 metres, the British indoor record in the 3000 metres, the British track record for 5000 metres & the European indoor
record for 5000 metres.

 

 

July 2010 Mr. Farah wuxuu noqday ciyaartooygii ugu horeeyay oo wadanka Ingriiska u dhashay ee ku guuleysta biladda dahabka ah dhanka orododa wiilasha 10,000 Mitir isagoo ku orday 28 daqiiqo iyo 24.99 ilbiriqsi(28 minutes 24.99 seconds). Sidoo kale wuxuu ku guuleystay tartanka 5,000 mitir isagoo noqday ciyaartooygii 5aad ee weligii labadaan tartan si wada jir ah ugu guuleysta.


Mar uu Mo Farah booqasho ku yimid magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa wargeyska Somali Canadian Times iyo shabakadda xiddigaha.ca ay wareysi la yeesheen. Wareysigan oo dhinacayo badan taabanaya ayaa waxaan u soo koobnay sidan tan:

SOCNTIMES: Mo marka hore ku soo dhawaaw magaalada Toronto, wargeyska Somali
Canadian Times iyo shabakadda xiddigaha.ca
MO FARAH: Waad mahadsan tihiin.
SOCANTIMES: Gormeed bilowday ciyaaraha orodada yaase kugu dhiirigeliyay?
MO FARAH: Anigoo 12jir ah ayaan bilaabay inaan ordo. waxaana igu dhiirigeliyay Mr. Alan
Watkinson oo ahaa macallinkeeyga dugisga sare.
SOCANTIMES: Ma inoo faa’- faahin kartaa sida uu kugu dhiirageliya?
MO FARAH: Haa, Maalin anigoo ciyaaraya kubadda cagta ayuu i daawaday. Ciyaartii markii ay dhamaatay ayuu intuu i yeeray igu yiri adiga orodkaadi aad buu u fiican yahay maxaad uga qeygali weyday tartamada orodada? Intaa kadib wuxuu i geeyay oo aan iska diiwaan geliyay Club-ka cayaaraha fudud ee East London, halkaas ayaana ka bilaabay inaa ordo.
Inkastoo aan bilaabay inaan ordo haddan aniga waxaan aad uga jeclaa inaan ciyaaro ciyaarta
kubadd cagta ah. Runtii dhow jeer ayaan ka cudur daartay inaan orod, balse macallinkan
ayaa mar walba ii sheegi jiray inaan mustqabal fiicn ku yeelan koro orodada, aad ayuuna iigu
dhiirigelin jiray.
SOCANTIMES: Kol haddii aad orodada ka jeclayd ciyaarta kubadda cagta, gormeed go’aansatay inaan noqoto orodyahan?
MO FARAH: Markii aan 15 jirsaday ayaa waxaan ka qeybgalay tartamada orodada ee dugsiyada sare. Halkaasi ayaan guul weyn ka soo hooyay intaa wixii ka dambeeyayna waan jeclaaday.
SOCANTIMES: Tartamadii aad ka qeybgashay ilaa iyo imminka ma jiraan mid si gaar ah xusuus kugu reebay?
MO FARAH: Haa Tarankii lagu qabtay magaalada Barcelona sannadkii 2010 ayaan xasuusteeyda marnaba ka go’eyn, waayo waxaan si wada jir ah ugu guuleystay orodka 10,000 iyo kan 5,000.
SOCANTIMES: Weligaa maku fikirtay inaad isaga tagto ciyaaraha orodada adigoo ka niyad jabay?
MO FARAH: Runtii dhow jeer ayay dhacday, nasiib wanaagse reerkeeyga iyo macallinkeeyga
ayaa marwaliba niyadda i dhisi jiray oo ii sheegi jiray haddii aan da’daalkeeyga halkii ka soo wado inaan maalin un ku guuleysan doono. Waa muhim dadka garbahaada jooga iney niyadda ku
dhisaan oo dhanka fiican wax ka tusaan.
SOCANTIMES: Waa maxay sabbta kugu kaliftay inaad usoo guurto Mareykanka?
MO FARAH: Tababarhayga cusub ayaa ku nool magaalada Portland ee gobolka Oregon,
isagaana iga codsaday inaan halkaa u soo guuro si aan tababar fiican oo joogto ah u qaato
SOCANTIMES: Maxaad is leedahy wuu kugu soo kordhin karaa Tababare Alberto Salazar?
MO FARAH: Marka hore Mr. Alberto Salazar wuxuu ahaa orodyahan guul weyn ka soo hooyay
tartamada caalamiga ah. Tan labaad dhowr ciyaartooy uu soo tababaray ayaa guul wax ku ool ah ka gaary orodka. Markaa waxaan ku kasloonahay in uu tababare Alberto Salazar wax weyn ii kordhin doono.
Dhanka kale Axmed Saalax ayaa oran jiray “Berigii hore oradka waa loo dhashay imminkana waa la iibsaday”. Isagoo ula jeeday in maanta la heli karo tababar fiican,
& qalabka aad u baahantahay oo dhan. Halka berigii hore leeska ordi jiray oo keliya. Adiga iyo nasiibkaadi. Markaa waa muhim in laga faa’iideysto fursadahan maanta la heli karo.
SOCANTIMES: Inteey la eg tahay Rajada aad ka qabto inaad guul ka soo hooydo Tartanka
Olympikada ee sannadka 2011.
MO FARAH: Runtii waxaan tababar adag ugu jiraa sidii aan guul uga soo hooyi lahaa tartankan iyadoo weliba lagu qabanayo London UK. Insha Allah Ilaahna wuu i garab qaban doonaa.
SOCANTIMES: Ugu dambeyntii markaad waqti firaaqo ah haysato maxaad jeceshahay inaad sameyso?
MO FARAH: Inta badan waxaan jeclahay inaan la joogo xaaskeeyga, gabadha yarna la ciyaaro. Sidoo kale waxaa jeclahay inaan soo daawado ciyaarta kooxda Arsenal oo aan taageero u ahay.
SOCANTIMES: Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay waqtigaadi qaaliga ah ee aad na siisay
MO FARAH: Adigaa mudan Busuri. Sidoo kale anigoo ka faa’iideysanaya fursadan ayaa waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dhallinyaradii igu soo dhaweysay magaalada Toronto iyo Maamulka Al-Aruba Restaurant

W/D Mohamed Busuri





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line