• Chelsea Oo Ceyrisay Mourinho

Waxaa la filayaa in goor dhow tababaraha cusub ee Chelsea loo magacaabo Hiddink ama Juande Ramos midkooda, kadib markii shaqada laga ceyriyay Tababare Jose Mourinho

Chelsea ayaa kaalinta 16aad kaga jirta kala sareynta Horyaalka Primeir League, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ee Isniinta 2-1 uga badisay kooxda hogaanka u heysa Horyaalka ee Leicester City.

Mourinho ayaa sanadkii 2013 ku soo biiray kooxda Chelsea, taasoo aheyd markii labaad, kadib markii uu ka soo tagay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Roman Abramovich ayaa ah markii labaad oo uu ceyrinayo Tababaraha reer Portugal Jose Mourinho oo uu horay koobab badan u soo qaaday.

Jose Mourinho oo lagu naaneyso Special One ayaa waxaa uu lacag ahaan u helayaa 40-milyan oo doollar, maadaama uu qandaarkiisa ahaa 4-sano markii uu kooxda heshiiska u saxiixayay sanadkii 2013-dii.

Shaqa ceyrintan ayaa sabab u ah wada shaqeyn la’aan aad u hooseysay oo ka dhaxeysay Tababare Mourinho iyo ciyaartoydiisa, waxaana uu maalin ka hor markii ay ka adkaatay Leicester ku dooday in ciyaartoydiisa ay khiyaameen.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line